Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xoghayaha Guud Ee SOLJA Oo Ka Waramay Rajadda Uu Ka Qabo Inuu Taageero Uga Helo Saxaafada Shirka Midawga Afrika

Addis ababa (msl) Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed faarax oo magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia kaga qayb galay shirka midawga Afrika ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu taageero iyo tobabaro uga helo Suxufiyiinta Somaliland dawladaha Afrikaanka ah iyo dumlamaasiyiinta waddamada deeqbixiyayaasha ah ee ka qayb galay shirkaas.
Maxamed Rashiid oo saxaafada ugu waramayay xarunta midawga Afrika ee shirku ka socday ayaa waxaa hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. “Shirkani wuxuu muhiimad noogu leeyahay urur ahaan ololaha aanu dhexdiisa ugaga jirno inaanu fursado uga helo cid naga caawisa waxbarashada iyo tobobarada weriyayaasha reer Somaliland oo mudadaa sanadka iyo dheeraadka ah ee aanu xilka hogaanka Solja haynay aanu waynay cid naga caawisa afartameeyo weriye oo jaamacada Hargaysa qorshuhu ahaa inay ku bartaan xirfada saxaafada ee masaafada fog “Distance learning’ oo jaamacad Maraykan ahi bixinayso casharadda. taas oo sanadkii horena na dhaaftay markaanu kharashkaa cid naga taageerta u wayanay sanadkana bisha 2-aad ee Febaury badhtamaheeda bilaabmaysa oo haddii aan kharashkeeda la helin ina dhaafaysa iyo kharashka labaatan weriye oo aanu filaynay in loo dirno dalka Kenya ee aynu jaarka nahay oo aanu kala xidhiidhnay shirkada caalimaga ah ee Maxamed Foundation,.
Sidoo kale, waxaa qorshuhu ahaa oo aanu dedaal ugu jirnay in xarun warbaahineed (Media center )in loo helo weriyayaasha Somaliland cid u dhista oo kharashkeeda inaga bixisa si ay ugu fududaato helida tobobarada iyo gudashada waajibaadkooda shaqo. Ta kale, maadaama oo xadhiga weriyayaasha Somaliland uu aad u sii kordhay labadadii sano ee u danbeeyay waxaanu isku hawlaynay sidii aanu u heli lahayn cid weriyayaasha Somaliland ka taageerta dhinaca kharashka looyarada iyo kharashka sii dayntooda weriyayaasha gaar ahaan kuwa gobolada si xuquuqdooda Loo difaaco. Dhamaan baahiyahaas taageeridooda UN-ta iyo deeq bixyayaashaba wakhti hore ayaanu ka codsanay oo weli waxba noogama hirgalin xitaa qolyahoodii balan qaadyada noo sameeyay oo aanan ilaa hada garan Karin waxa xanibay amaba hor is taagay. Balse, arrimahaas waxaan rajo wayn ka qabnaa inaanu fursad uga heli karo dawladaha Afrikaanka ah ee madaxdoodu shirkan kasoo qayb galayso.
Dhinaca kalana, waxaan u mahad naqayaa ururka Suxufiyiinta ee Journalists for African Renaissance (JAR) oo Muha Daahir Faarax Jire gudoomiye ka tahay, kaas oo ururka Solja u sahlay inaanu shirkan ka soo qayb galo.” Sidaas Ayuu hadalkiisii kusoo xidhay xoghayaha guud ee ururka Solja.
by dhadhere.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com