Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Odayaasha Beesha Ciise Oo Cadho Kaga Baxay Shir Maanta Wasiirradii Saylac Loo Diray Jabuuti Kula Yeesheen Iyo Nuxurka Waxay Odayaashu Ka Biyo Diideen

Jabuuti (msl) Wararka ka imanaya shir maanta Magaalada Jabuuti ay ku yeesheen Wasiirradii xukuumadda Somaliland u dirtay xalinta khilaafaadka ka taagan Saylac iyo odayaasha beesha Ciise, ayaa ku waramaya in shirkaasi aan la isku afrgaran isla-markaana uu ku dhamaaday khilaaf iyo hadalo taagtaagan.
Wararka Ramaas shirkaasi ka helayso, ayaa sheegaya in odayaasha beesha Ciise shirkaasi ka baxeen ka dib markii wasiirradu u soo bandhigeen fikir odhanaya inay ka tanaasulaan xilka Maayarnimada ee ay ku doodayaan isla-markaana qaataan Maayar ku xigeenka, lana siin doono xilal kale oo dheeraad ah.
Warka ayaa intaa ku daraya in odayaasha Wasiirrada la shiray oo ay ku jiraan golaha dhaqanka Ciise oo Diridhaba khilaafkan uga yimid ay shirkaasi maanta cadho kaga baxeen, sheegeena in aanay beel ahaan ka tanaasulayn xilka Maayarnimada, ilaa Maayarnimada lagu soo wareejinayana ay arintani taagnaan doonto.
Dhanka kale, Wasiirrada ayaa la sheegay inay markaa ka dib kulamo la yeesheen xubno ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Jabuuti, kuwaasi oo ay kala hadleen inay kala qayb-qaataan xalinta khilaafkan, iyagga oo maanta galinkii dambana ku soo laabtay Magaalada Saylac.
By dhadhere

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com