Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (msl) JWasiir ku xigeenka amniga Somaliland Cbdilaahi Obokor oo ka hadlay Warbixinta dawladda Ingiriisku kaga dardaar warisay amaanka Somaliland, ayaa sheegay in amaanka Somaliland sugan yahay isla-markaana ay markhaati u tahay saraakiisha hay’addaha caalamiga ah oo sii seexda marka ay Muqdisho u safrayaan.

Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Warbixinta dawladda Ingiriisku soo saartay waxaan qabaa inay tahay mid lagu dagdagay oo aan laga fiirsan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Kolay xukuumaddu way ka hawgalaysaa sidii Ingiriiska ugala hadli lahayd”
Mr Obokor, waxa kale oo uu soo qaaday “Haddii aanu nahay hay’adda amniga Somaliland, Sirdoonkayaga iyo booliskaya midna ma hayo war odhanaya xaalada amniga Somaliland waa halis, xidhiidha joogta ayaanu leenahay hay’ada amni reer galbeedka marna noomay sheegin khatar halkan ka jirta oo aanu wax ka qabano, laakiin arintanu waa layaab”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waad ogtihiin markii xilka xukuumaddu qabtay darajada saddexaad (C) ayaanu xaga nabada ahayn maanta darajada ugu sareeya ayaanu nahay, dadka ajaanibka Hargeysa xiliga doonaan ayey socdaan cid ma ilaaliso halka dalalka adduunka la ilaaiyo”
Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland, waxa uu sheegay in amaanka Somaliland ay ka markhaati kacayso sida ay u seexdaan saraakiisha hay’addaha caalamiga ahi “Safiirada iyo saraaiiksha tagaysa Soomaliya siiba Muqdisho waxay sii seexdaan caasimada Somaliland ee Hargeysa waana ta muujinaysa nabadgalayada Somaliland”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com