Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shir-jaraa’id qabtay shirka deg-dega ah ka dib,

Hargeysa (msl)  Xukuumadda Somaliland oo caawa shir deg-deg ah ka yeelatay dhawaaqii Ingiriiska ee lagu dhaliilay nabadgalyada Somaliland, ayaa sheegay in amaanka dalku sugan yahay.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shir-jaraa’id qabtay shirka deg-dega ah ka dib, ayaaa yidhi “Waxaanu ajaanibka dalka ku nool, bulshada Somaliland iyo beesha caalamkaba aanu u sheegaynaa in xukuumadda Somaliland aanay haynin wax dareen ah ama cabsi ah oo la xidhiidha nabadgalyada dalka, nabadgalyada Somaliland waa mid sugan oo ku jirka gacanta ciidamada iyo hay’adaha nabadgalyada, waxaanu kalsooni buuxda ku qabnaa haddii aanu xukuumadda nahay nabadgalyada dalka, dareenadana waxay la mid yihiin kuwo mandaqada waanuna baadhaynaa”.

Wariye cabdiraxman dhadhere

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com