Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Waxa Aanu Ku Adkaysaneynaa In Aanay Somaliland Haba Yaraatee Wax Nabadgelyo Darro Ah Ka Jirin, Dadkana Waxa Aanu U Soo Jeedinayna..” Gudd. Ku Xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilad

Hargeysa (msl) Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in aanay haba yaraatee wax nabadgelyo darro ah dalka ka jirin, isaga oo ugu baaqay dadweynaha in aan waxaasi lagu cabsi galin.

Guddoomiy ku xigeenka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay dawladda Ingiriiska fadhiyaan cadaynteeda haddii ay warar dheeraad ah hayaan.

Baashe Maxamed Faarax oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Sidii aad Xalay warbaahinta ka wada maqasheen ee Wasiirka Khaarajiguna waa kii ka hadlay,  marka waxa aanu qabna in dalka Somaliland  uu nabadgelyo yahay oo aanay wax dhibaato ahi jirin waanad aragteen in dadkii Ajaanibka ahaa ay gawaadhidii ay iyagu gacmahooda ku wataan oo suuqyada lugaynayaan marka runtu waxa weeyaan Amniga dalkeenu waa sugan yahay,runtiina dawladda Ingiriiska hadii ay iyagu wardheeraad ah hayaan waxa weeyaan iyaga ayaa looga fadhiyaa Warbixin horena waa loo odhan jiray oo Warbaahin iyo Internet-kaba waxa loo dhon jiray dalka Somalia yaan safarada lagu badan,waxanay ahayd arintaasi digniin iska jirtay hadii ay tahay Mareykanka iyo hadii ay tahay Ingiriiskaba laakiin tan waxa dheer waa markii ugu horeysay  dhinaca  Somaliland,laakiin waxa aanu ku adkaysaneyna in aanay Somaliland wax haba yaraatee Nabadgelyo daro ahi ka jirin dadkana waxa aanu u soo jeedinayna in aan waxba lagu cabsigelin arintan imika waayo Nabad ayaynu haysana”

Guddoomiy ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad cadaw ah oo Somaliland amnigeeda khal khal galinayaa

“Marka waxa weeyaan in aynu nabadgelyadeena ilaashana awal hore Cadawga Somaliland waxa uu aha  dad Shisheeye ah,laakiin hada waxa soo baxay dad Cadaw ah oo Somaliland khalkhal ku wada una adeegaya dawladda laga dhisay Somalia marka Digniintana waa in Amniga iyo kala danbeynta la ilaaliyo uun oo la adkeeya mar kalena waxa aan leeyahay wax Nabadgelyo daro ah oo Somaliland ka jira ma jiraan Hadalkan hada soo yeedhayna waxaan u malaynayaa inay uu yahay mid lagu deg degay” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladu.

Jawaabtan uu bixiyey guddoomiye ku xigeenka golaha wakiiladu ayaa xoojinaysa jawaab uu habeenkii xalay ka bixiyey arintani wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxmed C/laahi Cumar.

By dhadhere.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com