Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka Sool Oo Beeniyey In Hargeysa Lagu Xidhay, Hanjabaad Adagna Hawada U Mariyey Kooxaha Qaska Ka Wada Gobolka “Tuuga Iyo Dambiilaha Ayuunbaa La Xidhaa” Hargeysa (Ramaas) Jan 28,2013 – Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa beeniyey warar sheegay in xabsiga loo taxaabay, waxaanu sheegay in wararka noocaas ah ay faafinayaan kooxaha uu ku tilmaamay nabad-diidka oo uu sheegay inay dhibaato ka wadaan Gobolka uu masuulka ka yahay. Badhasaabka Gobolka Sool oo maanta khadka Telefoonka ugu waramay shabakada wararka ee RAMAASNEWS, ayaa sheegay in warka ah in Hargeysa lagu xidhay oo ay baahiyeen shabakadaha wararka ee Kooxda Khaatumo la baxday aanay waxba ka jirin isla-markaana uu Hargeysa u joogo hawla qaran. Badhasaabka oo ugu horeyn ka jawaabaya waxa ka jira xadhiga la wariyey in lagula kacay ayaa yidhi “Warkaasi Waxba kama jiraan, wararkaasina oo kalena waxa faafiya nabad-diidka iyo kooxaha nabad-diidka iyo aragagixisada ah, aniguna Hargeysa hawlo qaran ayaan u joogaa mana xidhni, oo tuuga iyo dambiilaha ayaa la xidhaa” Badhasaabka Gobolka Sool, waxa uu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya xukuumadda Somaliland “Aniga iyo dawladda wax khilaaf ahi nagama dhaxeeyo oo shirar iyo hawlo ayaanu wadnaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in kooxaha nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxay ay dhibaato ka sameeyeen gobolka intii uu Hargeysa kaga soo maqnaa “Gobolka intii aan ka maqnaana dhibaato ayay ka sameeyeen kooxahaasi nabad-diidka ah oo dad iyo gaadiid ayay afduubeen oo ay dhibaateen, haddii aanay dadkaasi soo deyna godadkooda ayaan ugu gali doonaa”

 

 

 

Hargeysa (msl)  Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa beeniyey warar sheegay in xabsiga loo taxaabay, waxaanu sheegay in wararka noocaas ah ay faafinayaan kooxaha uu ku tilmaamay nabad-diidka oo uu sheegay inay dhibaato ka wadaan Gobolka uu masuulka ka yahay.

Badhasaabka Gobolka Sool oo maanta khadka Telefoonka ugu waramay shabakada wararka ee msl, ayaa sheegay in warka ah in Hargeysa lagu xidhay oo ay baahiyeen shabakadaha wararka ee Kooxda Khaatumo la baxday aanay waxba ka jirin isla-markaana uu Hargeysa u joogo hawla qaran.

Badhasaabka oo ugu horeyn ka jawaabaya waxa ka jira xadhiga la wariyey in lagula kacay ayaa yidhi  “Warkaasi Waxba kama jiraan, wararkaasina oo kalena waxa faafiya nabad-diidka iyo kooxaha nabad-diidka iyo aragagixisada ah, aniguna Hargeysa hawlo qaran ayaan u joogaa mana xidhni, oo tuuga iyo dambiilaha ayaa la xidhaa”

Badhasaabka Gobolka Sool, waxa uu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya xukuumadda Somaliland “Aniga iyo dawladda wax khilaaf ahi nagama dhaxeeyo oo shirar iyo hawlo ayaanu wadnaa” ayuu yidhi waxaanu  intaa ku daray in kooxaha nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxay ay dhibaato ka sameeyeen gobolka intii uu Hargeysa kaga soo maqnaa “Gobolka intii aan ka maqnaana dhibaato ayay ka sameeyeen kooxahaasi nabad-diidka ah oo dad iyo gaadiid ayay afduubeen oo ay dhibaateen, haddii aanay dadkaasi soo deyna godadkooda ayaan ugu gali doonaa”

Hargeysa (msl)  Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud Cali (Jeeni-yare), ayaa beeniyey warar sheegay in xabsiga loo taxaabay, waxaanu sheegay in wararka noocaas ah ay faafinayaan kooxaha uu ku tilmaamay nabad-diidka oo uu sheegay inay dhibaato ka wadaan Gobolka uu masuulka ka yahay. Badhasaabka Gobolka Sool oo maanta khadka Telefoonka ugu waramay shabakada wararka ee msl, ayaa sheegay in warka ah in Hargeysa lagu xidhay oo ay baahiyeen shabakadaha wararka ee Kooxda Khaatumo la baxday aanay waxba ka jirin isla-markaana uu Hargeysa u joogo hawla qaran. Badhasaabka oo ugu horeyn ka jawaabaya waxa ka jira xadhiga la wariyey in lagula kacay ayaa yidhi “Warkaasi Waxba kama jiraan, wararkaasina oo kalena waxa faafiya nabad-diidka iyo kooxaha nabad-diidka iyo aragagixisada ah, aniguna Hargeysa hawlo qaran ayaan u joogaa mana xidhni, oo tuuga iyo dambiilaha ayaa la xidhaa” Badhasaabka Gobolka Sool, waxa uu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya xukuumadda Somaliland “Aniga iyo dawladda wax khilaaf ahi nagama dhaxeeyo oo shirar iyo hawlo ayaanu wadnaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in kooxaha nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxay ay dhibaato ka sameeyeen gobolka intii uu Hargeysa kaga soo maqnaa “Gobolka intii aan ka maqnaana dhibaato ayay ka sameeyeen kooxahaasi nabad-diidka ah oo dad iyo gaadiid ayay afduubeen oo ay dhibaateen, haddii aanay dadkaasi soo deyna godadkooda ayaan ugu gali doonaa”

by xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com