Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xidhiidh Laga Dhaxaysiiyey Askar Uu Dalacaad Siiyey Madaxweyne Farmaajo Iyo 30 Guurada Xasuuqii Jasiira Oo Maanta Ku Beegan

Gudoomiyaha xisbiga wadajir ee soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay dhacdadii Jasiira ee sanadkii 1989 lagu xasuuqay muwaadiniin reer somaliland ah.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu maanta soo saaray waxa kale uu xidhiidh kaga dhaxaysiisay dalacaad loo sameeyey saraakiil boolis ah iyo xasuuqii Jasiira oo ay maanta ku beegan tahay sanad guurada 30aad ee ka soo wareegtay xasuuqii xeebta Jasiira.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku bilaabay “Maanta waxay kulansatay labo dhacdo oo taariikh madow ku leh baalka dawladnimada Soomaaliya. Waxaa habeenkii 17 kii Juulay ee sanadii 1989 aqaladooda lagala baxay 47 qof oo ka soo jeeda Somaliland, laguna xasuuqay Xeebta Jazeera. Xalay oo ahayd 17 kii Juulaay waxaa garaado dalacsiin ah lagu abaalmariyey rag gaystay xasuuqii 17 kii December 2017 kii ka dhacay xarunta Xisbiga Wadajir oo lagu dilay shan dhalinyaro Soomaaliyeed ah.

Dilka iyo xasuuqa magaca dawlad lagu gaystay wuu ka dambi culus yahay, ka tiiraanyo reeb badan yahay, kana masuuliyad wayn yahay, kan ay geystaan dad aysan masuuuliyad saarnayn, sababtoo ah Dawlada waxaa saaran waajib in ay dhowrto nafta, hantida, diinta iyo cirdiga muwaadinka ee ma aha in ay ku xadgudubto.” Waxa sidaas qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com