Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Difaacay Amniga Somaliland, Warbixintii Ingiriiskana duray January 28th, 2013 Comments Off Hargeys a (Somaliland.Org)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixintii ay dawladda Ingiriisku ay muwaadiniinteeda ku boorisay inaanay booqan Somaliland sababo amni darteed. Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa arrintan kaga jawaabay waraysi uu caawa siiyay TV-ga qaranka, ayaa ku dooday in ammaanka iyo nabad-gelyadda Somaliland ay tahay mid taam ah, waxaanu tilmaamay inaanay haynin waxa ay dawladda Ingiriisku sheegtay. “Waxaan ummadda Somaliland iyo caalamkaba u sheegaynaa in Nabad-gelyadda Somaliland tahay mid sugan oo Ciidamadda Booliska iyo kuwa Nabad-gelyaddu ay gacanta ku hayaan,”ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo daba socday warbixinta dawladda Ingiriiska, waxa uu yidhi “Waxan la sheegayo Annagu ma hayno. Waxaanu ognahay in Somaliland ammaankeedu sugan yahay oo aanay wax dhibaato ahi ka jirin.” “Waxaan shacbiga Somaliland iyo caalamkaba ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan Ciidamadda ammaanka Somaliland,”ayuu yidhi Gen. Cabdilaahi Fadal.

Hargeys a (maantaSomaliland.)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa gaashaanka ku dhuftay warbixintii ay dawladda Ingiriisku ay muwaadiniinteeda ku boorisay inaanay booqan Somaliland sababo amni darteed.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa arrintan kaga jawaabay waraysi uu caawa siiyay TV-ga qaranka, ayaa ku dooday in ammaanka iyo nabad-gelyadda Somaliland ay tahay mid taam ah, waxaanu tilmaamay inaanay haynin waxa ay dawladda Ingiriisku sheegtay.

“Waxaan ummadda Somaliland iyo caalamkaba u sheegaynaa in Nabad-gelyadda Somaliland tahay mid sugan oo Ciidamadda Booliska iyo kuwa Nabad-gelyaddu ay gacanta ku hayaan,”ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal,

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo daba socday warbixinta dawladda Ingiriiska, waxa uu yidhi “Waxan la sheegayo Annagu ma hayno. Waxaanu ognahay in Somaliland ammaankeedu sugan yahay oo aanay wax dhibaato ahi ka jirin.”

“Waxaan shacbiga Somaliland iyo caalamkaba ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan Ciidamadda ammaanka Somaliland,”ayuu yidhi Gen. Cabdilaahi Fadal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com