Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Buuhoodle (msl) – Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee Somaliland, ayaa maanta dhigay dibad-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Madaxwaynaha Puntland iyo siyaasiyiinta reer Buuhoodle ee u addeega. ayaa ka Mudaharaadkan ka dhigay garoon ku yaala Magaalada Buuhoodle, iyagga oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin weedho lid ku ah Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo doonaya inuu Buuhoodle ka hirgaliyo hanaanka xisbiyada badan oo Puntland u wareegtay dhawaan.

Buuhoodle (msl) – Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee Somaliland, ayaa maanta dhigay dibad-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Madaxwaynaha Puntland iyo siyaasiyiinta reer Buuhoodle ee u addeega.
ayaa ka Mudaharaadkan ka dhigay garoon ku yaala Magaalada Buuhoodle, iyagga oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin weedho lid ku ah Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo doonaya inuu Buuhoodle ka hirgaliyo hanaanka xisbiyada badan oo Puntland u wareegtay dhawaan.

Mudaharaadayaasha ayaa si gaar ah carrabka ugu badinayey Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre, oo ay sheegayeen inuu Buuhoodle ka wado dhaqdhaqaaqyo guracan oo siyaasadeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in xisbiyo laga sameeyo.

Mudaharaadayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo haween, ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo horjeedaan isla-markaana ay ka mudaharaadayaan in Madaxwayne Faroole oo addeegsanaya ku xigeenka Cabdisamad Cali Shirre uu xisbiyo Puntland leedahay laga sameeyo Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada.

Mudaharaadkan ayaa yimid ka dib markii maanta ay Buuhoodle gaadheen wefti ka yimid Magaalada Garoowe, kuwaasi oo doonaya inay halkaasi kaga dhawaaqaan xisbi siyaasadeed.

Hore waxa Magaalada Buuhoodle u yimid xubno ka mid ah guddida doorashada Puntland, kuwaasi oo olole ka dhex bilaabay dadka deegaankaasi si ay u samaystaan xisbiyo siyaasadeed oo ka qayb-gala doorashadii la doonayey inay Puntland ka dhacdo, inkasta oo Madaxwayne Faroole muddo hal sano ah korodhso

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com