Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guardiola Oo Gacanta Loo Gelinayo £240 Milyan werar Ku Qaaday Liverpool

Pep Guardiola ayaa la siin doonaa 240 milyan ginni oo uu ku habeeyo kooxda Bayren Munich xilli ciyaareedka soo socda, ciyaaryahanka ugu horeeya ee diirada u saarana waa xiddiga Liverpool Luis Suarez, sida ay qoreyso Daily Mail.
Tababarihii hore ee Barcelona ayaa ku soo laaban doona kubada cagta ka dib sannad uu fasax ka qaatay, isagoo labo jeerna iska diiday dalabkii Roman Abramovich ee ahaa inuu qabto Chelsea, waxaana uu ka doorbiday Bayern Munich.
Wargeyska Faransiiska ee L’Equipe ayaa warinaya in labada ciyaaryahan ee ugu horeeya liiskiisa ay yihiin Suarez oo ka mid ah ciyaartoyda ilaa iyo haatan sida aadka ah uga dhex muuqda horyaalka Ingariiska, iyo xiddiga Atletico Madrid Radamel Falcao.[imageflow id=”1″]Suarez ayaa qandaraas kula jira kooxda ka dhisan Anfield ilaa 2018, waxaana uu qiimihiisa gaari karaa 40 milyan oo ginni. Falcao ayaa isna lagu iibsan karaa 50 milyan ginni.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com