Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Didier Drogba Oo U Digay Kooxaha Champions League Ka Dib Markii Uu Ku Biiray Galatasaray.

Didier Drogba ayaa isha ku hayo guulo kale oo uu ka gaaro Champions League ka dib markii uu ku biiray kooxda Turkiga ee Galatasaray.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea ayaa heshiis 18 bilood ah ugu biiray kooxda ka dhisan Istanbul isagoo ka soo tagay kooxda reer China Shanghai Shenhua.

Drogba ayaa ahaa ciyaaryahankii ku hogaamiyay xilli ciyaareedkii hore Chelsea koobka Champions League isagoo dhaliyay rigooradii guusha ee ay koobka kaga qaadeen kooxda Bayern Munich.

Waxaana uu sharaxay sababaha ka danbeysay go’aankiisa uu ugu biiray Galatasaray, isagoo sheegay inuu mar kale doonayo inuu ka dhex muuqdo Champions League.

Drogba oo hadalkaan soo marsiiyay wakiiladiisa oo ku baahiyay Twitter ayaa yiri:

“Fursada aan ugu ciyaaro koox weyn waxa ay aheyd mid aanan diidi karin.

“Waxaan indhaha ku hayaa inaan mar kale ka ciyaaro Champions League, oo aan ka horimaado kooxaha ugu fiican Yurub.”Didier oo haatan la maqan xulkiisa Ivory Coast oo ka qeybgalaya koobka Qaramada Afrika ayaa asxaabtiisa cusub ee Galatasaray ku biiri doona marka uu dhamaado koobka Qaramada Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com