Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

gudoomiyasiyaasadeed ee xisbiga talada haya ee KULMIYE muuse biixi abdi oo Sheegay Inay Dedaal U Galayaan Sidii Dalka Loogu maamuli lahaa Barnaamijkii igteen

gudoomiyasiyaasadeed ee xisbig talada haya ee KULMIYE muuse biixi abdi oo Sheegay Inay Dedaal U Galayaan Sidii Dalka Loogu maamuli lahaa Barnaamijkii igteen
December 30th, 2010

Hargeysa( maantaSomaliland)- Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey inayd dedaal ugu jiraan sidii dalka loogu dhigi lahaa barnaamijkii siyaasaeed ee xisbigaasi ku galay doorashadii madaxtooyada ee ay sida aqlabiyada ah ugu guulaysteen.waxaanu shacbiga Somaliand ku bogaadiyay sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka waxaanu sheegay inuu u rajaynayo nabadgelyo iyo horumar. Guddoomiyaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga KULMIYE wuxuu ku kaga hadlay waxqabadkii xisbiga KULMIYE ee sanadkan sii galbanaya oo ay ka mid yihiin doorashadii madaxtooyada ee ay ku guulaysteen. “Waxaan maanta idiinku yeedhay inaanu shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka xisbiga KULMIYE waxaan hambalyo u dirayaa shacbiga Somaliland.sanadkan markii uu curanayay wuu yara adkaa laakiin markii dambe ayay wax waliba is bedeleen,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi. Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray “Waxaan dedaal u galaynaa sidii dalka loogu dhiqi lahaa barnaamijkii siyaasadeed ee xisbigu ku galay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June ee la soo dhaafay.” Sidoo kale, waxa shirkaasi jaraa’id guddoomiyaha ku wehelinayay oo halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenada koowaad iyo Labaad Md. C/Raxman C/Qaadir iyo Md. C/raxmaan Talyanle iyo Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Keyse Xasan Cigge, waxaanay dhamaantood shacbiga Somaliland u direen dhambaalo hambalyo ah waxaanay u rajeeyeen inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo sanadkan sanadkiisa .
husein harbi
office hargeisa
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com