Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Arsene Wenger: Barcelona Ma Dooneyso Inay Iska Iibiso Weeraryahankeeda David Villa

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegtay in Barcelona aysan dooneynin inay iska iibiso weeraryahankooda David Villa.

Hadalka Wenger ayaa soo baxaya xilli isbuucii hore ay dib ugu soo laabteen London wafuud ka socotay Arsenal kuwaasoo Barcelona u joogay wadahadalo, laakiin wax heshiis ah ma aysan gaarin.

“Barca ma dooneyso inay iska iibiso David Villa. Taas si aad u cad ayay inoogu sheegeen.” ayuu Wenger u sheegay suxufiyiinta shirkiisa jaraa’id ee maanta.

Markii la weydiiyay inay jiri karaan wadadahalo kale, waxa uu ku jawaabay: “Maya.”

“Waxa muhimka ah ayaa inaan soo iibsano ciyaaryahano xoojin kara kooxda. Hadii kale ma ahan inaad wax soo iibsato. Waxaan heysanaa weeraryahano nagu filan oo tayo leh.” ayuu yiri 63 jirkaan.

Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale meesha ka saaray inay macquul tahay inay heshiis waqti gaaban kula wareegaan David Beckham kaasoo maanta bilaabay inuu tababar la qaato kooxda Waqooyiga London ka dhisan.

“Waa uu i soo wacay, kaliyana waa arin tababar, ma jiraan wax ku saabsan saxiix isaga ah” ayuu yiri Wenger.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com