Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargaysa (maantaSomaliland.): Xukuumada Somaliland ayaa ugu baaqday maamulka Puntand inay faraha kala baxdo deegaanada Sanaag Barri ee Somaliland isla markaana ay joojiso sheegashada aanay waxba ka jirin ee deegaankaasi.

Hargaysa (maantaSomaliland.): Xukuumada Somaliland ayaa ugu baaqday maamulka Puntand inay faraha kala baxdo deegaanada Sanaag Barri ee Somaliland isla markaana ay joojiso sheegashada aanay waxba ka jirin ee deegaankaasi.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali (Caddami) oo xalay khadka telefoonka ugu waramay (msl), ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee deegaanada Sanaag Barri ay fikir ahaan iyo mabda’ ahaanba taageersan yihiin Somaliland bal se siyaasiyiinta Puntland ay wadaan shaambad iyo sheegasho aanay waxba ka jirin.

Axmed Xaaji Cali (Caddami), ayaa sheegashada Puntland ee Sanaag barri ku tilmaamay mid aanay dadka deegaankaasi raali ka ahayn isla markaana waxgaradka iyo waayeelka deegaanadaa ka soo jeedaa ay u cadeeyeen maw qifkooda isaga oo xusay in siyaasiyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaankaasi ay hab qabiil ku yimaadeen balse ay fara madhan kala noqdeen.

Waxaanu yidhi “inta meesha maraysaa sumad reernimo ayay ku marayaan, dad badan oo waayeel iyo waxgaradba leh ayaa muujiyay sida ay u diidan yihiin, waxaanay ku yidhaahdeen halkaa ka noqdo, waxa aad wadaana waa siyaasad aan weli lagu kala bixin. Tani waa shaabadayn, si marka ay xagoodii ugu noqdaan u yidhaahdaan dadkii oo nala dhacsan ayaanu u tagnay”.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, waxa kale oo uu intaa ku daray in ay ka go’an tahay talaabo dawladnimana ka qaadanayaan maamul fidinta deegaanada barriga ee Somaliland isla markaana aanay wax wel-wel ah ka qabin arrintaasi “talaabo dawladnimo waa laga qaadanayaa maanta (shalay) ayayba khudbada madaxweynaha ku jirtay, waxaa diyaar loo yahay dawlada Somaliland-na ka go’an maamul fidinta gobolada barri in aanay joogsan, marxalad fiican baanu gaadhsiinay, welwel kama qabno wakhtiga iyo goorta munaasibka ahna waa la tegayaa,wixii degmada Ceerigaabo raacsani kuma jiraan oo iyagu hore ayay u qaateen risaaladuna u gaadhay, dhulka aanay aad u gaadhin in wixii horumar iyo maamulba ah la isbar-bar wado lana gaadhsiiyo”. Ayuu yidhi Md Caddami.

md. Axmed Xaaji Cali (Caddami), ayaa u soo jeediyay maamulka Puntland in aanay deegaanada Sanaag barri ku raadin hab qabiilnimo iyo in dad deegaanadaasi ay isku beel yihiin bal se ay isku dayaan in ay dadka shacabka qanciyaan, waxaanu yidhi “Puntland waxaanu leenahay ninkii tiisaba daryeelaa tu kalena ku dara, iyaga ayaanay u taalaa inay shacabkooda fahamsiiyaan oo xagooda ka ansixiyaan, laakiin dhulka anaga ayaa leh iyo anagaa u dhaw wax soconaya ma aha. Waa in aanay dimuqraadiyada ku bilaabin colaad iyo tartan kulul, tartan qabaw iyo qancin waa in ay sameeyaan cidii raacaysa wanaag ay ku bilaabaan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com