Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ceerigaabo (maantaSomaliland.)- Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa maanta banaan bax balaadhan iskugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyadda waxaanay kaga soo horjeedeen dhawaaqii Ingiriisku ku dhallilay heerka ammaanka Somaliland.

Ceerigaabo (maantaSomaliland.)- Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa maanta banaan bax balaadhan iskugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyadda waxaanay kaga soo horjeedeen dhawaaqii Ingiriisku ku dhallilay heerka ammaanka Somaliland.

Banaan-baxyeyaashaasi waxay socod ku mareen shaaricyadda iyo dariiqyadda magaaladda Ceerigaabo, waxaanay ku dhawaaqayeen hal-ku dhigyo ay ka mid ayaaheen “Somaliland Argagixiso iyo falal amni darro kama jirto, Dunidda oo dhan Argagixiso way ka jirtaa laakiin Somaliland kama jirto iyo Somaliland waa qaran u taagan dirirta Argagixisadda iyo kalmado kale oo macno ahaan kuwaasi la mid ahaa.

Mudaharaadeyaashu waxay socod dheer oo ay ku soo mareen faras magaalaha Ceerigaabo ka dib ay iskugu soo urureen fagaaraha Beerta Xoriyadda,halkaasi oo ay khudbado uga jeediyeen Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Cigaal Diiriye (Geel-jire), Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, siyaasiyiin iyo xubno ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Sanaag.

Maayarka Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax oo la hadlay dadweynaha ayaa cambaareeyay Go’aankii dawladda Ingiriisku ay muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka soo baxaan Somaliland cabsi laga qabo falal argagixiso darteed.

“Somaliland waa dal nabad-gelyadiisu ay taam tahay, kamana jirto wax argagixiso ah,”ayuu yidhi Maayarka Ceerigaabo.
Maayarku wuxuu intaasi ku daray “Somaliland afar Madaxweyne ayaa iska bedelay illaa 1991-kii, haddii aanay Somaliland nabad-gelyo ka jirin dawladnimo kamay hirgasheen. Afartaasi madaxweynena si salmi ah xilka ulamay kala wareegeen.”

Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geel-jire) ayaa isaguna dadweynaha reer Ceerigaabo uga mahad celiyay siday dareenkooda u soo bandhigeen, ugana xumaadeen warbixintii dhawaan ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska.

Sidoo kale waxa halkaasi dadweynaha kala hadlay Boqor Nuux Aadan iyo siyaasiyiinta gobolka Sanaag, waxaanay dhammaantood cambaareeyeen go’aankii ka soo yeedhay dawladda Britain.
maxamed cali
maantasomaliland
ceerigaabo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com