Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantasomalilandSomaliland.)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in la bixiyo darajooyinkii ciidammadda qaranka ee uu balan-qaaday hirgelintooda xiligii lagu jiray Ololihii doorashadii Madaxtooyadda ee 2010-kii.

Hargeysa (maantasomalilandSomaliland.)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in la bixiyo darajooyinkii ciidammadda qaranka ee uu balan-qaaday hirgelintooda xiligii lagu jiray Ololihii doorashadii Madaxtooyadda ee 2010-kii.

Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku sheegay khudbad kooban oo uu ka jeediyay munaasibaddii loogu dabaal-degayay sanad-guuradda 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka oo la aasaasay 2-dii Feberwari ee sanadkii 1994-kii.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inay bixiyaan darajooyinkii ciidammadda qaranka oo uu xusay inuu balan qaaday xiligii lagu jiray ololihii doorashadii Madaxtooyadda ee 2010-kii, waxaanu yidhi “Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidammadda Qaranka ee mar walba heeganka u ah difaaca qarankeenna iyo midnimadda Ummadda. Waxa farxad ii ah inay dawladeena u suurto gashay labaatan sano ka dib inaanu sugno darajooyinka ciidammadda sidii aan u balan qaaday wakhtigii doorashadda inaanu maanta fulinay.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ammaanay doorka Ciidanka qaranku kaga jiraan dhismaha dawladnimadda, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa kale oo aan halkan jecelahay inaan uga mahad celiyo Gudidii darajo bixinta ee hawlahan soo diyaariyay. Waxa faan inoo ah qaran ahaan iyo ummad ahaan inaan halkan u joogno sanag guuradii 19-aad ee aasaaska ciidanka qaranka, kuwaasi oo ah kuwa aynu ku faano dalkeena iyo nabad-gelyadda dalkeena ilaaliya ee magaciisa iyo karaamadiisa dhawra.”

Waxa kale oo uu Madaxweynaha Somaliland u mahad celiyay Taliyeyaashii hore ee ciidammadda qaranka oo uu ku ammaanay heerkii ay soo gaadhsiiyeen ciidanka qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com