Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo 19 Jirsaday Iyo 12 Sarkaal oo loo Xidhay Darajooyinkii Ciidanimo Xukuumadda Axmed Siilaanyo Oo Ka Dhabaysay Bixinta Darajooyinka Ciidamadda qalabka sida daawo sawirada

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo 19 Jirsaday Iyo 12 Sarkaal oo loo Xidhay Darajooyinkii Ciidanimo

 

Xukuumadda Axmed Siilaanyo Oo Ka Dhabaysay Bixinta Darajooyinka Ciidamadda qalabka sida

Hargeysa (maantaSomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay xuska sanadguurada 19-aad ee aasaaska Ciidanka qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 2-da bishan febaury.

Munaasabadda Xuskaasi oo lagu qabtay xarunta taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee magaaladda Hargaysa ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay sadexda Gole Qaran, taliyayaasha Ciidamadda Somaliland, saraakiisha sarsare ee Ciidamada , mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.


Madaxweynaha Somaliland ayaa munaasabadas gudaheeda waxuu markii ugu horaysay tan iyo intii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii uu halkaa derejada sarkaalnimada oo kala heer ah ugu xidhay 12 sarkaal oo ka kala tirsan Afarta nooc ee ciidamada ee kala ah Ciidanka qaranka , Ciidanka Booliska Somaliland, Ciidanka asluubta iyo Ciidanka ilaalada Xeebaha.

1)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) ayaa laga dhigay Derejada sareeye Gaas.
2)- Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa laga dhigay derejada sareeye Guuto.

3)- Taliyaha Ciidanka asluubta Maxamed Xuseen Xiirane ayaa laga dhigay Derejada Sareeye Guuto.
4)-Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Cismaan xasan ayaa laga dhigay Derejada Sareeye guuto.
5)-Abaanduulayaasha koowaad iyo labaad ee Ciidanka qaranka iyo taliyeyaal ku xigeenadda koobaad iyo labaad ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Sareeye guuto.
6)- Taliyayaal ku xigeenada koowaad iyo labaad ee ciidanka asluubta somaliland ayaa iyagana la gaadhsiiyey derejada Gaashaanle sare.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud ((Siilaanyo) oo munaasabaadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ilaahay ugu mahad-naqayo in xukuumadiisu noqoto tii ugu horaysay Somaliland ee bixisa derejooyinka ciidamada, isagoo ku tilmaamay ciidamadu inay yihiin tiir dhexaadka uu qaran leeyahay, loona baahan yahay in mar kasta ay dhiirrigelin ka helaan dawlad iyo shacabba.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu munaasabadaas mahadnaq ugu jeediyey taliyayaashii hore ee soo maray ciidamada Somaliland.

maantasomaliland

xuseen xarbi

hargaysa office

harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com