Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka hadlay Shirkad ay Qandaraas ku siiyeen Bixinta Liisamadda Gaadiidka

Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ka hadlay Shirkad ay Qandaraas ku siiyeen Bixinta Liisamadda Gaadiidka

Hargaysa (maantaSomaliland.): Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland ayaa bixinta liisamada darawaliinta gaadiidka kala duwan ee dalka qandaraas ku siisay shirkad gaar loo leeyahay.

Sidaasina waxa noo xaqiijiyay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyayanta Somaliand, Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo xalay khadka telefoonka ugu waramay shabakada wararka ee maantasomaliland

Wasiirka oo aanu waydiinay sababta ay bixinta liisamada darawalada gaadiidka ugu wareejiyeen shirkad gaar loo leeyahay, waxa uu yidhi “ wax badan baa keenay in lagu wareejiyo, waxa keenay iyada oo ay daraladu meel kastaba ka qaadanayaan oo aanay meeshii saxda ahayd, marayn, iyada oo shilalkii bateen, iyada oo aanu aragnay in aan cashuurtiiba keenay in habka la keeno oo darawaladii iyo baabuurtii la isku xukumo.”

Md Xaabsade oo aanu waydiinay waxa uu ka qabo sharciga u yaala Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka in bixinta liisamada darawaliinta gaadiidka lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay aya sheegay in aanu jirin wax u diidaya arrintaasi, “Wax diidaya ma jiro, waxaanay taasi la mid tahay bixinta lambarka baabuurta sida ay shirkad gaar ah u bixiso oo kale ayuunbay la mid tahay”. Ayuu yidhi Md Xaabsade.

Wasiirka oo aanu waydiinay in magaca shirkada ay ku wareejiyeen iyo cida maamul ahaan ay ka amar qaadanayso ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo arrintasi isaga oo ku gaabsaday in uu mar kale ka hadli doono.

Sidoo kale wasiirka oo aanu wax ka waydiinay in wasaarada hawlaha guud ay kordhisay qiimaha lagu qaato liisamada baabuurta ayaa sheegay in aanay jirin wax lacag ah lagu krodhiyay bixinta liisamada gaadiidka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com