Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Ku Qaabilay Urur Siyaasadeedka RAYS Oo Maanta La Midoobay.

.

Hargeysa (msl) Febr 3,2013 – Munaasibad maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagaga dhawaaqay Midowga Xisbiga Kulmiye iyo urur siyaasadeedkii doorashada ku hadhay ee RAYS.

Munaasibadan oo ahayd mid si weyn looga soo shaqeeyay, ayaa labada dhinac ee KULMIYE iyo RAYS waxay ku kala saxeexdeen heshiis qeexaya saamiga ay ku kala leeyihiin xisbiga Kulmiye oo ah ka lagu midoobay.

Munaasibada ay ku midoobeen Kulmiye iyo RAYS, ayaa waxa hadalko ka soo jeediyay Masuuliyiinta labada dhinac, kuwaasi oo isku bogaadiyey midnimadooda.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ururka RAYS ee la midoobay Kulmiye, waxaanu yidhi “Anaga oo markii aynu tartamaynay iyo markii dambaba naawilaynay inuu ILAAHAY isku keen soo celiyo oo aynu mar uun midowno, haddii aad taa naga yeesheen aad iyo aadbaad u mahadsan tihiin, waanuna idinka guddoonay, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inaynu guul wada gaadhno”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha ururka RAYS Xasan Gaafaadhi, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay midowga la midoobeen xisbiga Kulmiye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com