Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shir Beesha Wasiirka Ganacsiga Uga Furmay Duleedka Buuhoodle Oo Maalintii Labaad Galay iyo Xukuumadda Abaabulaysa Shir Lid Ku Ah

DAN-DAN (msl) – Waxa Maalintii labaad tuulada Dan-dan ee duleedka Buuhoodle shir uga socdaa Beesha Jaamac Siyaad oo uu ka soo jeedo Wasiirka Wasaarada ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq khaliif Axmed.
Shirkan oo ay ka qayb-galeen Madax-dhaqameedka Beeshaasi, aqoonyahan iyo dadwayne kale oo ka kala yimid guud ahaan deegaanada ay ka daggaan gobolka Sool iyo Buuhoodle iyo weliba deegaanada Puntland, ayaa waxa shalay furay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ah Garaadka guud ee Beesha Jaamac Siyaad, waxaanu halkaasi ka sheegay in shirkani ka madhan yahay siyaasad isla-markaana uu ku kooban yahay dhaqan iyo sidii beeshu aayaheeda uga tashan lahayd, una dhamaysan lahayd wixii hawlo ah ee beesha ka dhexeeya.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo hadalkiisu koobnaa, isla-markaana aan si buuxda uga hadal ujeedooyinkan shirkan , ayaa yidhi “Shirkani maaha shir siyaasadeed oo siyaasad looguma talogalin, shirkana waa shir dhaqan iyo sidii beesha hawlaheeda loogu dhamaystiri lahaa weeye”
Wasiirka Ganacsiga oo ka soo jeeda beesha Jaamac Siyaad ee shirku uga furmay DAN-DAN oo maalmihii qaban-qaabadiisu bilaabantay loo diray inuu ka hawl-gallo sidii aanu shirkaasi u furmeen, maadaama oo lid ku yahay hawlaha ay xukuumaddu halkaasi ka wado ayaa ku guul-daraystay inuu baajiyo shirkaasi, waxaanu markii uu u taag waayay isla-markaana uu odayaashiisa ku qancin kari waayay inay shirkaasi ka baaqsadaan Hargeysa dib ugu soo laabtay, isaga oo imika Hargeysa ka daawanaya isla-markaana u dhag-taagaya go’aamada iyo waxa ka soo bixi doona shirkan Somaliland diidka ah.
Dhanka kale, Wariye Laascaanood ku sugan ayaa Ramaas u sheegay in odayaal dhaqameed xukuumadda taageersani ay shir lid ku ah shirka Dandan ay ka qaban-qaabinayaan Laascaanood, kaasi oo ay xukuumaddu dabada ka riixayso.

By wariye cabdiraxman dhadhere

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com