Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne siilaanyo oo u duulay dalka ingiriiska.

(msl.Hargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta u duulay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedada ka dambaysa socdaalkaas oo ah mid kedis ah. Madaxweynaha oo booqashadiisa ay ku weheliyaan xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada, ayaa la sheegay in dawlada Ingiriiska ay kala hadli doonaan digniin ay dhawaan ka soo baxday dalkaas oo muwaadiniintiisa ugu baaqay in ay Somaliland uga baxaan sababo xagga amniga ah. Madaxweynaha oo saxaafadu wax weydiisay in digniinta Ingiriiska iyo aqoosniga dawlada Mareykanku u fidisay Soomaaliya , ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrintaas . Cabdiraxman Cabdilahi Cismn (Cabdiraxman dhadhere)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com