Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Ruushka Oo Sheegay In La Sii Daayay Duuliyayaashii Diyaaradda Hargeysa Lagu Xukumay shalay

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Ruushka Oo Sheegay In La Sii Daayay Duuliyayaashii Diyaaradda Hargeysa Lagu Xukumay shalay

Moscow, 31, Dec, 2010-(Maanta-Somaliland)- Wasaaradda Arrimaha Debedda Dalka Ruushka, ayaa maanta daboolka ka qaaday in la sii daayay lix nin oo watay diyaarad saannad Mileteri u siday Puntland oo 10-kii November lagu qabtay Madaarka Cigaal, kuwaasoo shalay maxkamadda Hargeysa ku riday xukun hal sanno ah iyo ganaax lagaceed.

Sida lagu faafiyay shebakada internetka itar-tass oo laga leeyahay Ruushka, waxa lagu sheegay in lixda nin ee shaqaalaha ka ahaa diyaaradda saddex ka mid ahi yihiin muwaadiniin u dhashay Ruushka, halka saddexda kalena lagu sheegay inaan si cad loo ogayn dalka ay u dhasheen, taasoo waxba kama jiraan ka dhigaysa baasaabooro ay siteen oo dhammaantood Somaliland u aqoonsatay inay ka soo jeedaan Ruushka.

“Wasaaradda Arrimaha debedda ruushku waxay qaaday tallaabooyin lagama maarmaana oo ay ku caddaynayso dhacdadan si loo dejiyo xiisadda. ‘Shaqaalalaha waa la sii daayay, waxaannan u mahadnaqayaa xidhiidhadii ay wada sammeeyeen diblomaasiyiin ruusha iyo qunsuliyadda Jamhuuriyadda Somalia ku leedahay Moscow.” ayay tidhi Wasaaraddu.

Wasaaradda Arrimaha Debedu waxay uga digtay diyaaradaheedu inay go’aan dheelitiran ka qaataan duullimaadyada Somalia,gara ahaan marka ay cago-dhiganayaan madaaradda dalka.

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa shalay xukun mid hal sanno ah ku riday lixda nin ee markii sheegtay Ruushka, balse hadda saddex ka mid ahi noqdeen iyo ganaax lacageed oo midkiiba dhanyahay $500 iyo in dawladu la wareegto agabtii milateri ee saarnaa diyaaraddaas.

Masuulliyiin ka tirsan wasaaradda Arimaha Debeda Somaliland, ayaanu isku daynay inaanu wax ka weydiino hadalka ka soo yeedhay Wasaaradda Arrimaha Debeda Ruushka oo sheegtay in la sii daayay lixda nin, balse nuumays suurtagelin, maadaama ay tahay maalin jimce ah oo telefoonadoodu xidhanyihiin.

Hussein Harbi

Hargeisa Maanta-Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com