Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

badhasaabka gobalka hawd jamaal xuseen hure iyo agaasimaha madaxtooyada somaliland maxamuud cabdilaahi xarbi oo jawaab ka bixiyay hadal ka sooyeedhay xildhibaan mataan hoori oo ka soo jeeda gobalka hawd

Alla Wuu Soo Toosay, Kumaa Soo Toosay? Xildhibaan Mataan Al-Humaami

(msl)Sida caadada ah dadku, habeenkii way seexdaan subixiina way shaqo tagaan, ILLAAHAY ayaaba Qur’aanka innoogu sheegay , waxaa wax lala yaabo ah xildhibaan Mataan Muxumed Hoori (Al-Humaami) oo shantii sanadood ee u danbeeyay intaan garnaayo lixda maqrinimona uu soo toosaa lixda subaxnimona uu dhacaa wax maalin la kala macaashano war kama hayo , ayuunbaanu maalintii shalay mar kaliya la wada arkay mataanoo joornaalka Haatuf ku hadlayaaya cadadkeedkui Vol-8-Tirsiga 3210 isniin Feb 11, 2013 oo wax kaga sheegaaya Madaxwaynaha Jamuuriyda somaliland Mudane :Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Ta koowaad waa su’aale war yaa mataan soo kiciyay ?

Ta labaad Mataanow beentaada xiligii dalka la soo galayay mujaahid Axmed Siilaayo kama buu ahayn gudoomiye SNM, ee malaha waad kala garan wayday

C/raxmaan tuur iyo Siilaanyo …. Ileyn waad hurudaaye .
Ta ku xigta Mujaahid Xasan ciisaha aad hada ku Afgobaadsanayso, waa kaad reerkiini iyo deegaankaagii BALIGUBADLE ba aad u nacday , ee ilaa imika aad ku cabato xasan ciise ayay iiga hiiliyeen . ileyn waad hurudaaye.

Guddigii taliska guud ee SNM ayaan ka mid ahaa , oo anaa go’aamiyay dagaalka gudahana waad huruday ayaa lagaa yidhi ……. Mujaahidiintii hawshaas fulisayna wax nool iyo wax dhintayba waa ay leeyihiin , inta dhimatay Alle ha u naxariisto inta noolna ILLAAHAY ha ka Jasaa’isiiyo ….. ma anagaa dafirikarna kaalintii Maxamed Kaahin, Axmed Mire, Xasan Yoonis, Dayib Guray iyo raggii la mid ka ahaa ….. malaa way kaa masaxantaye.

Ta saddexaad , labadaii sano iyo badhkii ay xukuumaddani ay haysay , ee ay kuu qortay musharka wanaagsan habeenkii waad raabsataa aroortiin waad hurudaaye ee war ka ma haysid horumarka ay gaadhay …… ileyn waad hurudaaye.

Ta afraad, xisbiga Kulmiye waxa uu ahaa oo record-keedu yaalaa in dhamaan degaanadii doorashadii ka dhacday 2002 ka dhacayda dalkoo dhana guul ayuu ka wada gaadhay meelo aanay udub aanay gaadhin ayuu wada gaadhay sida degmada Baki oo 13-ka xidhibaanba ay ahaayeen kulmiye, kuna darso oo kulmiye waa kiii 80ka cod kaga tegay Doorashadii ee weliba haneeyey. Riyaalaa kulmiye gacan qabtayna waa beentaa .. illaahayna ha kaa dhaafo………. Ileyn waad hurudaaye.

Gabogabo

Qarankani uu socdaa , hogaamintiisuna si wanaagsan ayay u socotaa , wax khilaaf ah oo ka jiraana ma jiraan , madaxwaynihii qarankuna caalamkii ayuu ictiraaf raadin ugu baxay, madaxwayne ku xigeenkiina maamulkii ayuu sii wadaa , nabad galyaduna waa taam , kuwa caroog madhan iyo daasado tumana waa fulayaasha aan kalsoonidu ka luntay ee aan qarankooda aaminsanayn ee yidhaa badbaado ayaa loo baahan yahay looma baahna , wax dhib ah oo qaranka ka jiraan ma jiro, qoraalkii aad soo qorotayna waa lagaaga jawaabi doonaa….. ee samir yeelo haddii kale iska seexo xildhibaan taas ayaad ku caano maashee.

Tallo soo jeedin:-

Mataanow yaanu xeer hoosaad ka Goluhu ku qabane , inta kuu hadhay waxaanu si nasteexo ah kugula talinaynaa inaad hurdada ka soo toostid , oo aad la socotid dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka iyo xeerarka uu maalin walba goluhu an sixinaayo …… ilayn waligaa xeer la an sixinaayo maad arage , mashruuc golaha yaalana ka maad doodin.
Anna kaa kuu soo jeednoo kuu aragna horumarkee iimaanso hogaaminta Madxwaynaha Mujaahi: Axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) .
Qoreyaasha Jawaabta.
1- Badasaabka gobolka Daad madheedh: Jamaal Xuseen Hurre
2- Agaasimaha Maamulka Madaxtooyda Somaliland: Maxamuud Cabdilaahi Xarbi

xuseen cabdi xarbi
maantasomaliland
hargaysa
harbi_31@hotmail.com
4052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com