Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Hay’ada Ka Hortaga Masiibooyinka Dabiiciga Ee Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Inay Meel Xun Marayaan Abaarihii iyo Biyo La’aantii Ka Jirtay Deegaano Ka Mida Gobollada Dalka,

Guddoomiyaha Hay’ada Ka Hortaga Masiibooyinka Dabiiciga Ee Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Inay Meel Xun Marayaan Abaarihii iyo Biyo La’aantii Ka Jirtay Deegaano Ka Mida Gobollada Dalka, Baaqna U Diray Cid Kasta Oo Ay Khusayso Wax Ka Qabashadeedu.

Hargeysa (Maanta-Somaliland) – Guddoomiyaha hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ee qaranka [NERAD] Md Maxamed Muuse Cawaale, ayaa maanta sheegay in abaarihii iyo biyo la’aantii dalka ka taagnaa ay sii dareen, isla markaana looga baahan yahay xukumada Somaliland, ganacasatada wadaniga ah, hay’adaha caalamiga iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta dhibaatada abaaruhu ku hayaan dalka inay u guntato sidii wax looga qaban lahaa.

Md Maxamed Muuse Cawaale oo maanta saxaafada kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa mar uu ka soo baxay shir ballaadhan oo ay halkaas ku yeesheen isaga iyo raxan wasiiro ah, ayaa sheegay in abaaruhu hada ugu daran yihiin meelaha ay ka jiraana ay ka mid yihiin hawdka gobolka Togdheer, gobollada Sool iyo Saraar, taasoo uu sheegay in qaylo dhaan abaaraha iyo biyo la’aan ba’an la xidhiidha oo deegaanadaas ka jirtaa ka soo yeedhayaan dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas kala duwan, Guddoomiyuhu isagoo arintaas ka hadlaya waxaa uu yidhi “Wadanka waatanoo waynu wada ognahay oo abaro, ayaa ka jira meelaha ugu daraan ee biyo la’aanta ba’ani ka jirtana waa gobolka Togdheer wixii hawd ka xiga ila Lasacanood iyo Sarar, waxa kale oo jirta in meelaha qaar ay iska caadi yihiin meelaha qaarna ay abaar ba’ani ka jirto oo ay dadkii isugu yimadeen meelaha ay is lahayeen waxa aad ka helaysaan biyo iyo in yar oo baad ah, intiina markay isugu yimadeen way dhamaatay oo cagta ayaa lagu qaaday markii-ba.”

Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay u jeedada shir ay maanta ku yeesheen xarunta hay’ada NERAD, isaga iyo xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukumada Somaliland, waxaanu yidhi “Shirkani waa mid taxne noo noqon doona oo aanu Arbaca kasta aanu annaga iyo hay’adaha ay arinta abaaruhu iyo masiboyiinka dabeciga ahi ay khusayso aanu iskaga waraysan doon, isla markaana ku dhagaysaan doono war bixinaha laga soo diyarinayo meelaha ay abaaraha ugu badani ka taagan yihiin, si loo diyaariyo wixii laga qaban karo.”

Guddoomiyuhu waxa uu dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay istaraan wixii ay istari karaan oo ay is caawiyaan, waxaanu yidhi “Dadwaynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay istara wixii aad istari kartaanba oo is caawiya kolay ilaahay uun baa dadka wax tari karee.”

Guddoomiyaha hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah Mudane Maxamed Muuse Cawale, waxa uu sheegay inay dhawaan gobollada dalka oo dhan ka furan doonaan xafiisyo la socda kolba halka ay marayso xaalada abaaruhu, kaasoo uu xusay inay la kaashan doonaan maayarada magaalo madaxyada iyo Guddoomiyeyaasha gobollada dalka, waxaanu yidhi Md Cawaale “Waxaanu dhawaan ka furi doonaa gobollada dalka oo dhan xafiisyo ay hayada NERAD leedahay, kuwaasoo aanu kala kaashan doono Badhasab-yada iyo Maayarada magaalooyinka waa weyn, xafiisyadana waxa ay si toos ah u la socon doonaan dhammaan wixii warar ah ee saabsan abaaraha iyo biyo la’aanta iyo waliba sidii wax looga qaban lahaa.”

Gunaanadkii, Guddoomiyuhu waxa uu ka dhawaajiyey in wakhti xaadirkan ay meelo badan oo dalka ka jirto biyo la’aan xun oo saamayn ku yeelatay nolosha dad iyo duunyo, isagoo baaq u diray guud ahaan hay’adaha ay arintani khusayso, xukumada iyo ganacasatada dalka inay wax ka qabtaan biyo la’aantaas oo uu sheegay inay bilaabi doonaan biyo dhaamis, si dadka iyo duunyadaba loo gaadhsiin lahaa biyo ay cabaan

Hussein Harbi

Hargiesa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com