Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxwaynaha Iyo Ku Xigeenkiisa, Durayna Hadalada Boobe Ku Dhaliilo Xukuumadda

Hargeysa (msl) –Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo-cadde), ayaa ka hadlay khilaafka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland.

Wasiirka Warfaafintu sidoo kale, waxa ka hadlay eedaymaha Boobe Yuusuf Ducaale u jeediyo xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxaanu Wasiirku sheegay in khaladaadka xukuumadda uu ka sheego uu sixi karayey markii uu xukuumadda ka midka ahaa.

Wasiirka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in khilaafka Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ee warbaahintu sida aadka wax uga qoraysaa uu yahay mid aan sida la moodayo u waynayn “Bulshada waxa ayaamahan lagu jaha-wareeriyay khilaaf la leeyahay wuxuu dhexmaray Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaan Umadda reer Somaliland u cadaynayaa inaanu jirin khilaaf ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa,runtii haddii shaqo taalo oo dadku wada shaqaynayo waa lagu kala duwanaan karaa rayiga shaqada, taana waanu dhamaynay” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in khilaafka jira aanu ahayn sida loo buun-buuninayo “khilaaf jira oo sida loo buun buuniyay u jiraa ma jiro”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne ku xigeenku sii wado hawlaha qaranka, isla-markaana uu soo dhawayn doono Madaxwaynuhu marka uu soo noqdo “Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sii hayaa shaqadii Madaxweynaha oo waxaad la socotaan inuu shirkii golaha Wasiirada joogay, waxaad la socotaan inuu Wafuud qaabilay, waxaad kale oo aad la socotaan inuu kormeer sameeyey, markaa Madaxweyne ku xigeenku shaqadii qaranka isagaa sii wada, haddii khilaaf jiro gurigiisa ayuu fadhiisan lahaa”

Wasiir Abiib, waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne ku xigeenku soo dhawan doono Madaxwaynaha “Madaxweyne ku xigeenku wuu soo dhawaynayaa Madaxweynaha marka uu soo laabto” ayuu yidhi.

Wasiir Abiib, waxa kale oo uu soo qaaday hadalada Boobe oo uu sheegay inay bateen “Waxaan doonaya inaan ka hadlo hadalada Boobe oo batay runtii, Wasiir-buu ahaa waxaad waxa khaldan ee aad hadda sheegayso waxaad ka sixi karaysay golaha Wasiirada dhexdooda oo aad cod ku lahayd, si kale ayaad u sheegi karaysay, Waxaa inagu badan oo waliba Wasaaradda War-faafinta ku badan in qofku marka xilka laga qaado uu mucaaridad bilaabo”ayuu yidhi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com