Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Lughaya-(maantaSomaliland.)-Alle ha u naxariistee hal qof ayaa ku dhintay sedex kalenena way ku dhaawacantay galinkii dambe ee maanta inta u dhaxaysa Lughaya iyo Gargaara, kadib markii baabuur aad u raran oo iska roga ah oo ay aftan ruux saarnaayeen isaga oo si xawli ah u socda uu wadihii baabuurki qabatay biriiga isla markaana ay ka daateen rakaabkan oo saarnaa baabuurka dushiisa.

Lughaya-(maantaSomaliland.)-Alle ha u naxariistee hal qof ayaa ku dhintay sedex kalenena way ku dhaawacantay galinkii dambe ee maanta inta u dhaxaysa Lughaya iyo Gargaara, kadib markii baabuur aad u raran oo iska roga ah oo ay aftan ruux saarnaayeen isaga oo si xawli ah u socda uu wadihii baabuurki qabatay biriiga isla markaana ay ka daateen rakaabkan oo saarnaa baabuurka dushiisa.

Ninka dhintay oo uu magiciisu ahaa Marxuum- Maxamed Cilmi Jaamac ayaa waxa dhaawac ahaan lagu keenay MCH-ka Gargaara bale halkaasi ayuu ku geeriyooday kadib markii la waayay baabuur lagu soo gaarsiiyo dhakhaatiirta waawayn fiidnimadii caawa.

Sidan waxa u xaqiijiyay Somaliland.Org, Maayarka magaaladaasi Cabdilaahi Ali Aw Nuur waxana isaga oo dhacdadan sii faahfaahinaya uu yidhi “ Marka laga reebo dhimashadaas Marxuunka waxa kale oo dhaawac ah 3 qof oo kale oo kala ah, Maxamed Caydiid Xuseen Badmaax iyo Yaasiin Maxamed Awsaciid, iyo kirisboygii baabuurka oo aanan magacisa saxynin, intubana waxa ay yaalaan MCH-ka gargaara oo lagu dawaynayo.

Baabuur Amblance ah ayaan ka dalbanay Boorama kaasi ayaa nagu soo socda oo aan soo saari doonaa ayuu yidhi Maayar Dixood oo aad uga niyad jabsan sida ay degmado adeega caafimaadka iyo baabuurta Ambulance-ka ahba ugu liidato tilmaamayay.

Maayarku waxa kale oo uu intaasi ku daray in wadahii baabuurka oo uu magaciisu yahay Maxamed Tukaale ay amaan ahaan ugu xidheen magaalada saldhiga Booliska ee Lughaya.

Baabuurkan shilka gaystay ayaa ka soo baxay Lughaya galinkii dambe ee maanta una soo jeeday dhinaca Boorama.
Shilka noocan oo kale ah marka ay dhacaana waxa iska caadi ah in ay khatartoodu badato sababta oo ah degmada Lughaya ayaa waxanan jirin haba yaraatee gaadiid loo adeegsado dhinaca caafimaadka iyo waxyaabaha degdega ah, balamo hore oo ay xukuumadu u qaaday inay u iibinayso baabuur Amblance ah na waxba kama soo naasa cada, walo uu maanta markale Maayar Dixood ku celiyay in loo baahan yahay in degmada loo iibiyo baabuur Ambalance ah oo ka gurmada masiibooyinka degdega ah.

Cabdalle Cali Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com