Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wararkii U Dambeeyay Ee Dagaal Qadhaadh Oo Duleedka Xuddun Ku Dhex Maray Ciidamada Qaranka Iyo Maleeshiyaadka Khaatumo

Xuddun (msl) Dagaal xoogan ayaa xalay saqdii deegaanka Laf-weyn ee degmada Xuddun ee Gobolka Sool ku dhex maray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Khaatumo la baxay.

Dagaalkan oo ahaa mid culus, ayaa la sheegay in la isku addeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadda oo dadka deegaanka oo aanu la xidhiidhnay maantu sheegeen inay filayaan in dagaalkaasi keenay khasaare laxaadle oo kala gaadhay labada dhinac.

Dagaalkan oo qarxay ka dib markii Maleeshiyaadka Khaatumo la baxay weerar ku qaadeen fadhiisin ciidamada qaranku ku leeyihiin Laf-weyn oo dhowr KM u jirta Xuddun, ayaa dad kala duwan oo aanu xidhiidh la samaynay sheegeen inay arkayaan gaadiid gurmad ah oo dhanka hawdka ka soo galaya dagaalkaasi, kuwaasi oo ay malanaynayaan inay taageerayeen Maleeshiyaadka Khaatumo oo dagaalka lagaga xoog roonaaday, maadaama oo dagaalku dhacay wakhti habeenimo ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka imanaya ayaa sheegaya in khasaaraha kala gaadhay aan rasmi ahaan loo ogeyn, balse ay jiraan dhimasho iyo dhaawac tiro ahaan aan la ogeyn.

by xuseen xarbi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com