Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Dawladda Ingiriiska Waxaanu Ka Wada-hadalnay Wax Wada Qabsigii U Dhexeeyey Somaliland Iyo Ingiriiska”Madaxweyne Siilaanyo.

(SLT.- msl) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa safar shaqo kaga maqnaa dalka dibiiisa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay kulamaddii uu la yeeshay dawladda Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo oo Warbaahinta ugu waramay qolka nasashadda ee Madaarka, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa.

“Waxa farxad ii ah aniga iyo weftigaba  inaan dalkii dib ugu soo nabad noqonno, arrimaha noogu culays weynaana waxay ahayd dalka ingiriiska oo aanu halkaasi ku aragnay wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, waxaanan ka wada hadalnay wax wada qabsigii u dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska, ee xaga dhaqaalaha, xaga nabadgalyada iyo xaga siyaadaba intaba ka wada hadalnay”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray  “Woxogaygii na soo kala dhexgalayna (Ingiriiska) ee mugdiga galisay xaga nabadgalyadana waanu ka wada hadalnay in cidii hawlahaasi qaabilsan ee nabadgalyada loo wada diro oo dib loo eego oo la darso ayaanu isla meel dhignay”ayuu yidhi.

Madaxweynaha waxa kale oo uu sheegay in safaaradda Maraykanka ee Kenya la kulmeen kana soo wada hadleen arrimo badan, waxa kale oo uu sheegay inuu la kulmay jaaliyadda Somaliland ee Ingiriska oo uu sheegay inuu uga xog waramay dalka, waxaanu tilmaamay inuu safarkani ahaa mid guul ku soo dhamaaday.

Waxa kale, oo uu sheegay in nabadgalyada dalka loo baahan yahay in shacab iyo dawladba la wada ilaashado si caalamka loo tuso amnigeena iyo wanaageenna.

Madaxweynaha waxa kale oo uu ka hadlay shirka London lagu qabanayo ee Somaalida oo uu sheegay in aanu wali hayn ajandihiisa, balse  marka shirkaas loo keeno ajandihiis ay tallo qaran laga yeelan  doono oo laga wada hadli doono inaynu ka qaybgalno iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com