Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Awddal Oo Xilkii La Wareegay.

(msl.-Hargeysa ) Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Awdal Md. Cabdoo Axmed Aayir ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Gudoomiyahii hore ee Gobolkaas Axmed Xaddi Sidci.

Munaasabad ka dhacday xarunta Gobolka awdal ee Boorame ayaa wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda arimaha gudaha Md Cismaan Garaad Soofe waxa uu labada mas’uul ugu kala wareejiyey xilka gudoomiyanimada Gobolkaasi.

Munaasabadani waxaa ka soo qayb galay, mas’uuliyiin ay ka mid yahiin la taliyaha arimaha haweenka ee Madaxweynaha Marwo Amaal Xaaji Axmed Miisaan iyo mayorka Boorame Md saleebaan Xasan xaddi oo ay wehelinayeen shan degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka awdal.

Gudoomiyahii hore ee Gobolka Awdal Md Axmed Xaddi Sidci oo munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramay waxqabadkii uu ka qabtay gobolka mudadii uu xilka hayey, halka sidoo kalena uu uga mahadnaqay waxgaradka iyo shaqaalaha Gobolka sidii haboonayd ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu gobolka ku sugnaa.

Dhanka kalena gudoomiyaha cusub ee Gobolka Awdal Md Cabdoo axmed aayir oo isna hadal ka jeediyey kulankaasi ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono midaynta dadweynaha gobolka awdal kana hawlgeli doono sii ambaqaadka barnaamijyadii dhinaca horumarka ee gobolka ka socday, waxana uu ka dalbaday hawlwadeenada gobolka inay la sameeyaan wada shaqayntii loo baahnaa.

Gebagebadii wasiir ku xigeenka maamulka gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda Arimaha gudaha Md Cismaan Garaad Soofe oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in maamulka gobolku yahay mas’uuliyad balaadhan isla markaana ay lagama maarmaan tahay inuu gacan ka helo bulshada gobolka si uu u guto waajibaadkiisa kaga aaddan horumarinta xaaladaha arimaha bulshada ee Gobolka.

Dhanka kalena badhasaabka cusub ee Gobolka sanaag Md Axmed maxamuud Geelle (Dacar)) ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Gudoomiyahii hore ee Gobolkaasi Axmed Diiriye Cigaal oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga ee JSL.

Xil wareejintan oo a dhacday xarunta gobolka sanaag ee Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa ka soo qayb galay Mayor-ka Ceerigaabo Ismaaciil xaaji Nuur, madaxda qaybaha ciidamada ee Gobolkaasi iyo Isu duwayaasha hay’adaha dawladda ee gobolkaasi oo ay wehelinayeen qaar ka tirsan Madax dhaqameedka deegaankaasi.

by dhadhere.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com