Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Nebigu NNKH ugumuu adkaysanayn inuu qofkoo diinta ka jaahil ah dadka laayo, laba qiso ayeynu ka soo qaadan oo saxeexa Bukhaari & Muslim ku sugan, waxay kaloo tilmaamaysa hubsiino la’aan uu ku laayo dadka muslimiinta. Nebigu NNKH ciidan ayuu diray uu hogaaminayey Khaalid binu waliid RC, qoladii markii la weeraray waxay isku dayeen inay Islaamaan laakiin ereygii ay u muujinayeen ayaa ka qaloocday, waxay yidhaahdeen “waanu ka baxnay..waanu ka baxnay” Khaalid iskama hubsane, wuu laayey, maxaabiisna wuu ka qabtay, iyadoo masaabiistii la hayo ayuu amar siiyey in qofwalba maxbuuska uu hayo dilo, Cabdilaahi binu Cumar RC oo ka fiqi badnaa ayaa yidhi, ‘aniga iyo intii iga talo qaadata, maxaabiista ma dilayno? Way sii daayeen. Khaalid binu waliid RC markii Nebigu NNKH warkiisii maqlay waxuu yidhi “Ilaahow barri ayaan ka ahay, waxuu Khaalid sameeyey” magtiina wuu bixiyey.
Jahli xaga diinta ah ayaa ka mid ah sababaha keena iyo qofkoo is-qanciya oo yidhaahda kan ashahaadaiisu mid soconaysa maahee dil, taasina diinta jahligeeda ayey ka mid tahay, waxaynu soo qaadanaynaa qisadii Usaama binu Zayd RC ee saxiixa ahayd, Usaama waxuu ahaa nin da’yar, Nebigu NNKH isaga wuu jeclaa, aabahiina wuu jeclaa, xoghaymahii Nebiga NNKH ayuu ka mid aha, laakiin maalintaa way seegtay oo is-qancintiisi ayaa keentay, Nebiga NNKH ayaa raaciyey qolo weerar loo diray oo saxaabada, markii saxaabadii jebiyeen colkii ayaa nin cararay ka dibna ashahaatay, isagoo ku celcelinaa, waxa eryanayey nin Ansaara iyo Usaama, ninkii reer Ansaar wuu ka fiqi roonaaday wuu ka istaagay, Usaama-na wuu dilay, Nebiga NNKH markii warkii la gaadhsiiyey, Usaama ayuu u tegay oo ku yidhi ‘waar miyaad dishay, ‘haa waa dilay’ Nebigaa NNKH ayaa ku yidhi “Ma markuu ashahaatay ayaad dishay, saddex jeer ayuu ku celiyey, markaa Usaama is-qancintii ayuu sii waday oo waxuu yidhi ‘ashahaadada seefta ayuu ka hoos gelayey, ee dhab kama ahayn? Nebigu NNKH waxuu ku yidhi, “Maxaad qalbigiisa u jeexi weyday,” hadaad doonayso inaad ogaatid, hadii kalena ugu qanci weyday? Usaama aad ayuu uga murugooday? Khalad jahli ah oo is-qancin ah ayuu ku dhacay.
Sababaha keena dilka qofka muslimka wax aka mid ah casabiyadda, qofkoo qabiil ku dagaalama, oo waataa aynu arkayno marwalba soo noqnoqonaysa, ummada Ilaahay SW waxuu ka doonayey inay Umad ahaan u noolaadaan aan Qabaliyad ahayn, waad arkaysaa Gaaladu Umad ahaan ayey aduunka ku qabsadeen, Islaamkana waxa googooyey Qabaliyad ayey u noolyihiin? Ummada Islaamka Ilaahay SW waxuu la doonayaa inay Ummadnimmo u noolaadaan.
Sababaha wax aka mid ah in gacmo shisheeye jiraan, ama qabiilka ha soo dhexmarto, ama mid kursi doonaya, taana aad ayey shisheeyahu u isticmaalaan. Ilaahay SW ayaa yidhi “Markastoo Gaaladu dab soo shidaan, annigaa ka bakhtiiya Muslimka ayuu yidhi ILAAHAY SW.
Sababaha waxa ka mid ah qofkoo hankiisu yar yahay, xoogaa maal ah iyo xoogaa mansab ah dadka ku laynaya, Nebiguna NNKH wuu ka sii digay “Faqri idiinka cabsan maayo, laakiin in aduunyada la idiin fidiyo oo isku dishaan ayaan ka cabsanayaa”.
Arrimahaa waxa sii raaci kara qofkoo kibir iyo is-muujin wada, dadka Muslimiinta madaxda u ah dadka u laayaan, laakiin taariikhdooda dhanka Alle iyo dhinaca ummadaba liiska madow ayey galaan.
Gebagebadii qofkii gefkaa gala towbad ayaa u furan, oo jamhuurka Culimadu isku raacsan yihiin hadaan qofku dhiiga dadka xalaashan, waa laga towbad aqbalayaa. Ilaahay SW ayaa yidhi “dadka ashahaadanayoow Ilaahay SW u toobad keena” markaa gaal iyo islaam-ba towbadu way u furan tahay. Waxuu Nebigu NNKH ka waramay ninkii markii boqol qof dilay Ilaahay SW u toobad keenay, laga toobad aqbalay. Toobada shuruudaheeda waxa ka mid inuu isu-dhiibo oo la qisaaso, ama la cafiyo oo mag laga qaato dadka uu godobta ka galay, Ilaahay SW ayaa yidhi “Qofka gardarro lagu dilo cidii xigtadiisa ahayd awood ayaa la siiyey,” awoodaana Nebiga NNKH ayaa fasiray oo yidhi “Waxa weeyey in qofkii la dilay xigtadiisa uu qofkii dilay isku dhiibo, oo i-qisaasa, ama mag iga qaata ama iska-kay cafiya” markaa waa inaan qofka muslimka ah dhiigiisa lagaga qeybqaadan qowl, ficil, maal iyo fikir midnaba
Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102