Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maantaSomaliland.)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey oo safar ugu maqnaa wadanka Inigiriiska ayaa dalka ku soo guryo noqday.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ku soo Guryo Noqday Dalka, kana waramay Natiijadii Socdaalkiisii London

Hargeysa (maantaSomaliland.)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey oo safar ugu maqnaa wadanka Inigiriiska ayaa dalka ku soo guryo noqday.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa madaarka Hargeysa ee Egal International Airport waxa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta kala duwan ee qaranka oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenku C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).

Madaxweynaha oo markii uu madaarka ka soo degay qolka nasashada ugu waramayey warbaahinta kala duwan ayaa waxa uu ka warbixiyey socdaalkiisa uu ku tegay Ingiriiska iyo waxyaabihii uu kala soo guryo noqday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay la kulmeen wasiirka arrimaha Dibada Ingiriiska William Hague, isaga oo tilmaamay inay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo sidii dib u eegis loogu samayn lahaa warbixintii ammaanka Somaliland uu ka soo saaray Ingiriisku.

“Waxaanu la kulanay wasiirka arrimaha dibada Ingiriiska William Hague, anaga oo kala hadalnay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo nabadgelyada, iyada oo aanu sidoo kale kala hadalnay in dib u eegis lagu sameeyo warbixintii uu Ingiriisku ka soo saaray amaanka Somaliland” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlayey safarka uu ingiriiska u tagay

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Kenya markaanu la kulanayna waxa ka muuqday kalsooni badan sida ay noo soo dhaweeyeen, safarkaanu u baxnayna waxa uu ahaa mid lagu guulaystay”

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey shirka Ingiriisku Somalia u qabanayo inay ka qayb galayaan iyo meeqaamka ay doonayaan inay kaga qayb galaan waxa uu sheegay in ay talo qaran ka yeelanayaan oo aanay ku deg degayn.

“Shirka Ingiriisku Somalia u qabanayo maaha mid aanu ku deg degayno ee talo qaran ayaanu ka yeelanaynaa, Ingiriiskuna wuu nagu marti qaaday” ayuu Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay safarkiisan ku wehelinayeen wasiirka arrimaha dibada Maxamed C/laahi Cumar, Wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire iyo marwada madaxweynaha Aamino-waris Sh. Maxamuud Jirde.

faadumo xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com