Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya Askar Ka Tirsan Ilaalada Qasriga Oo Uu Xidhay Wasiir Xirsi. Waraysi Gaara.

Hargaysa (msl) – Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtoyada Somaliland Faysal Kaamil Ciise, ayaa beeniyay, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay war ay Shabakadaha wararka Internet-ka qaarkood qoreen oo sheegaya in Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan uu amray xidhigga laba Askari oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada.

 

Warkaas ay baahiyeen Mareegaha wararka Internet-ka ee Somaliland qaarkood, waxaa lagu sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan uu amray in la xidho laba Askari oo ilaalada Madaxtooyada ka tirsan, kuwaas oo ay shabakaduhu sheegeen in sababta loo xidhay tahay baadhitaan ay ku sameeyeen Wasiir Xirsi xilli uu habeen-saddexaadkii qasriga galayey.

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Somaliland Faysal Kaamil Ciise oo shabakada maantasomliland wax ka weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in Wasiirka Madaxtooyada amar uu bixiyay lagu xidhay laba Askari oo ilaalada Madaxtooyada ka tirsan, ayaa sheegay in warkaasi yahay mid xaqiiqada ka fog oo aanay waxba ka jirin.

“Wax ALLAALE wax ka jiraa arrintaa ma jirto, ciidankuna way yaqaannaan Wasiirka madaxtooyada mana aha in wax kasta oo aan dhici karin lagu hadlo. Waayo? Taasi waxay keenaysaa in markasta ay Warbaahintu been qorto.”

Taliye Faysal Kaamil oo la weydiiyay in hadda ay jiraan si kastaba ha u xidhnaadaane in  Askar Ciidanka ilaalada ka tirsani xidhan yihiin waxa uu ku jawaabay; “Waxaan kuu caddaynayaa in aanay jirin cid ama Askar ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada oo xidhan. Laakiin, waxa wanaagsan inay Warbaahintu waxa ay qorayso iska hubiyaan. Sababtoo ah Marna waxay  doonaan ayay qorayaan marna way soo cabanayaan wax caddayn ahna uma hayaan waxan ay qoreen.”

“Markaa, waxa wanaagsan in cid walba shaqadeeda lagu tixgeliyo oo wax laga weydiiyo, annaga mar qudha waxaa ay qoreen waxba nagamay weydiin. Mana jirto ayaan ku leeyahay Ciidanka Madaxtooyada iyo Wasiirka Madaxtooyaduna dad is garan-waaya maaha, warkaasina waa been.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland Faysal Kaamil oo arrintaa xalay Khadka taleefanka ugaga waramay maantasomalilan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com