Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mujaahid Maxamed Kaahin Oo Caddeeyay Inuu u Tartamayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Hargeysa (msl  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta caddeeyay inuu ka mid yahay Musharixiinta u tartamaya Guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu sheegay in tartanka shirwaynaha xisbiga Kulmiye aanu ku koobnayn oo kaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Samaale, balse ay loolanka Guddoomiyaha ragga ku jiraa badan yihiin isla-markaana uu isagu ka mid yahay siyaasiyiinta ku tartamaya in loo doorto Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Maxamed Kaahin oo maanta la hadlay Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka mid ah Telefiishanka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in rag gaadhaya ilaa shan siyaasi ay u diyaar-garoobeen tartankaasi “Anigaygan kula hadlayaa waxaan ka mid ahay ragga tartanka ugu jira kuraasta loo tartamaya ee Kulmiye (Guddoomiyenimada iyo Musharaxnimada Madaxwaynaha)” ayuu yidhi

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu ka digay in xisbiga Kulmiye ku baa’abyo hogaamiye talada kaligii maroorsada “Xisbiyadii Somaliya iyo Somalilandba soo matay waxa baa’biiye hogaamiye kaligii doona in talladu ka go’do sida xisbigii SLN, xisbigii Kacaanka, LEEGO iyo UDUB, markaa waxaan jecelahay inaan Kulmiye noqon sidaasi oo kale”ayuu yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com