Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la sheegay in uu kala diray Gudidii Jaamacadda Hargaysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la sheegay in uu kala diray Gudidii Jaamacadda Hargaysa.

Hargeysa(Maanta-Somaliland) warar xogo-gaal u ah shabakada wararka ee Maanta Somaliland ay ka heshay Jaamacadda Hargeysa waxa uu manta Madaxweynaha Somaliland si rasmi ah u kala diray Guddidii ku meel gaadhka ahayd ee uu dhawaan u magacaabay Jaamacadda Hargeysa.
Sida shakhsiyaadkaasi u dhuun daloola Warka ka soo baxay Madaxtooyadu sheegeen in sababta guddidaasi loo kala diray ay la xidhiidho Mudaharaadadii dhawaan ka dhacay Jaamacadda Hargeysa oo loo aanaynayo inay ka danbeeyeen dad ka mid ah guddidaasi la kala diray balse kamay bixin Macluumaad rasmi ah oo cadaynaya in danbigaasi lagu helay iyo inkale.
Madaxweynaha Somaliland intaanu Guddidaasi kala dirin waxa la sheegay inuu u magacaabay Guddi baadhiseed oo Qarsoon taasoo maalmahanba waday baadhis hoose oo aanay cidina ogayn, talaabadan uu ku kala dirayna waxay u muuqataa inay tahay mid uu kaga shidaal qaatay xogihii ay soo ururiyeen ee ay ka heleen cidii ka danbaysay mudaharaadyadii Gil-gilay Madaxtooyadda iyo Jaamacadda.
Ilaa hada ma cada cida uu ku bedelayo guddidaasi hase yeeshee waxa la sheegay inuu qorshaynayo Guddi Jaamacadda ka Madax-banaan oo mudada ku meel gaadhka uu yahay Guddoomiyaha Jaamacdu soo diyaarisa Shuruucda lagu soo dooran doono Maamulka Jaamacadda oo baryahanba socday.

Hussein Harbi

Hargeisa Maanta Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com