Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Gashaandhiga Oo Guurtidda Warbixin Ka Siiyey Hawlaha Wasaaraddiisa Iyo Ciidamada Dalka.

(msl Hargeysa) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland   ayaa maanta mudanayaashu Golaha Guurtidda Warbixin ku saabsan Wasaaradiisa iyo xaaladda Ciidamada Qaranka siiyey.

Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida  Siciid jaamac Cali.

Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali Cadami waxa uu sheegay in guddi saraakiil ah oo ciidan loo xulay inay is barbar dhigaan qaab hawleedka Ciidamada caalamiga ah gaar ahaan wadamada inala itaalka ah iyo hanaankii Somaliland ku dhaqmaysay xiligii ay Xukuumadan xafiiska joogtaa xafiiska la wareegtay.

 Wasiirku waxa uu sheegay in ay falanqayn ka bacdi soo bandhigeen buug wasaaradda gaashaandhigu leedahay oo ay ku dhan yihiin qaab hawleedkii maamul iyo kii ciidan ee ay wasaaradu ku hawlgeli lahayd,hawshaana la dhamaystiray iyadoo aan Ruushkana cid looga yeedhan Maraykankana khubaro laga soo kiraysan.

 Md Cadami waxa uu sheegay in Gudidaasi talo habboon ku soo jeedisay in si qarsoodi ah oo nadaamsan oo taxadar ku lammaan yahay loo ogaado tirada Ciidanka Qaranka Somaliland. Tirakoobkaas oo lagala kulmay hawl adag oo uu ka mid ahaa dagaalkii wasaraddu la gashay caaglayaashii ciidanka ku dhex shaandhaysnaa ugu dambayntiina lagu guulaystay in hoosta laga xariiqo tiro sugan oo Ciidanka Qaranka somaliland leeyahay, loona dhamaystirayo calaamadahoodii iyo derejooyinkoodii.

 Wasiirka wasaaradda gaashaandhigu waxa uu mudanayaasha Golaha Guurtida u caddeeyey in tababaro lixaad leh loo furay ciidan beeleedo ku sugnaa gobolada Bari ee Somaliland, isla markaana ay tayo adag ku soo kordhiyeen Ciidanka qaranka.

by Xuseen xarbi tafaftiraha shabakada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com