Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasime Ku Dhawaaqay In Uu U Taagan Yahay Jagada Guddoomiye Ku Xigeenka

(msl)Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee Komishanka xakamaynta HIV AIDS-ka C/kariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa ku dhawaaqay in uu u taagan yahay jagada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye. Mr. Xinif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hutel Xaraf ee magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyey damaciisan uu ku doonayo in loo doorto gudduumiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye

 

. Agaasimaha maamulka iyo lacagta oo arintaasi faahfaahin ka bixinayaana waxa uu yidhi “Waxaan ahay xubin ka mid ah guddida golaha dhexe ee xisbiga, wax kale idiinkuma yeedhin hankayga ama damacayga siyaasadeed oo ah inaan u taaganahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, maadaama guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee xisbigu cadeeyey in uu u taagan yahay, musharax guddoomiye iyo musharax madaxweyne”. C/kariim Xinif agaasimaha maamulka iyo lacagta komishanka Xakamaynta HIV AIDs-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Anigu guddoomiye uma taagni musharax guddoomiye ku xigeen 1-aad ayaan ahay, damacani wakhti dheer ayuu igu jiray hadana ma jeclayn meel Maxamed Kaahin fadhiyo inaan u tartamo, markii uu guddoomiye ku xigeenka imanayeyna waxaan ka mid ahaa ragii ololaha u galay ee rag badan doonayey ganafka ku dhuftay ayaan ka mid ahaa, haddii uu odhan lahaa waxaan u tartamayaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga lama tartameen, laakiin qofka jaanisku mar buu soo maraa, jaanis isoo maray oo wakhtigiisii taagan ayaan u arkaa, markaa waxaan doonayaa inaan cadeeyo inaan musharax u ahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga, kaasi oo aan rajaynayo ergooyinka shirweynaha xisbiga imanayaa igu taageeraan”

by xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com