Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Qoyska Iyo Arimaha Bulshada Oo Ka Hal-Celiyey Hadal Wasiir Ku Xigeenka Amnigu Wax Kaga Sheegay Reer Awdal “Reer Awdal Maaha Dad Niyad Xun oo ..”

Hargeysa (msl) Wasiirka Wasaarada qoyska iyo arimaha bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Garraad, ayaa ka hal celiyay hadal uu sheegay inuu dhawaan ka soo yeedhay Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaarada arimaha gudaha Cabdilaahi Obokor Cismaan, kaasi oo uu ku sheegay inuu ahaa hadal aan reer Awdal qabban.

Wasiirka qoyska oo maanta ka hadlayay Magaalada Burco, ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka amaanka ee Wasaarada daakhiligu uu reer Awdal ku sheegay dad niyad xun oo caloosha wax ku haysta, isaga oo Wasiir Garaad sheegay in hadalkaasi ahaa mid xumaan keenaya isla-markaana reer Awdal yihiin dad si saraaxad leh u hadla. Wasiir Garaad oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wasiir ku xigeenka amniga ayaa Kalmad reer Awdal dhibsaday halkan ka yidhi, waxaan jeclahay reer Awdal maaha dad niyada wax ku haysta ee waa dad maskax furan, waa dad si saraaxadle wax u sheega, waxaan u sheegayaa cidii ku dhawaaqday gooni isu-taaga waxay ahaayen odayaashii Boorama ka yimid, Borama waa meeshii ugu horeysay ee laga dhisay dawladdii ugu horaysay ee Somaliland” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan ka xumahay wasiirka oo Borama aan dhaqankeeda aqoonin inuu wax ka sheego” Wasiirka qoyska Somaliland, waxa kale oo uu soo qaaday “Wasiirku malaha badhasaabkii loo bedalay ayuu hadalka dhagta ugu ridayay oo uu lahaa reer Borama waa dad niyad xun oo niyada wax ku haysta”

by xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com