Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimihii Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Oo Is Casilay

Hargeysa (msl) Agaasimihii xafiiska xidhiidhka dadweynaha Cismaan Cabdi Cismaan (Cismaan Awr Liqe) ayaa maanta xilkii iska casilay.

Agaasimaha ayaa is casilaadiisa ku shaaciyey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, isaga oo aan cadayn sababta keentay in uu iskaga tago xilkii uu dawladda ka hayey.

Nuqulka warqadiisa iscasilaada ayuu u gudbiyey wasaaradda Madaxtooyada, iyada oo warqaduna u dhignayd sidan

WASAARADDA MADAXTOOYADDA

Xafiiska siyaasadda xidhiidhka Golayaasha iyo Dadwaynaha .

waaxda xidhiidhka Dadwaynaha (Puclic Relation Office)

Ku:Wasiirka Madaxtooyada  Jamhuuriyad Somaliland

Og:Madxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland

Og:Dhamaan saxaafada madaxa Banaan

Ujeedo :Codsi shaqo ka tagis

Mudane Wasiir aniga oo aad kuugu mahad naqaya mudadii aynu wada shaqaynaynay,waxaan go,aansaday in laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay 19/02/2013 aan joojiyey kana tagay shaqadii aan ka hayey madaxtooyada oo ahayd madaxa xafiiska madaxa xafiiska xidhiidhka dadweynaha .

Sababaha aan uga tagay dib ayaan ka soo sheegidoona mar ay ku haboontahay .

FG: Waxaa jira Baabuur aan wato oo uu ku xidhan yahay Numberka gaadiidka dawladda oo ah GT 1217, kaas oo aan lacagtiisa lawada bixin, anigoo gacantana ku hayn doono ilaa lacagtiisa la bixinayo,  maxaa yeelay tu aan anigu leeyahay ayaa ku jirta .

Agaasimaha xafiiska Xidhiidhka dadwaynaha .

Cismaan Cabdi Cismaan .

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com