Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shacabka Reer Jabuuti Oo Jimcaha Barri U Dareeraya Doorashada Baarlamaanka Oo Markii Ugu Horeysay

 

Doorashada baarlamaslanka dalka Jamhuuriyada Jabuuti, ayaa loo dareerayaa 22-ka bishan February oo ku beegan Jimcaha Bari. Doorashada baarlamaanka Jabuuti oo ay ku tartamayaan saddex xisbi siyaasadeed oo laba Mucaarad yihiin, ayaa waxa shalay soo gabogabeeyay ololihii doorashada oo soo socday in muddo ah.

 

Doorashada baarlamaanka Jabuuti oo ah doorashadii ugu horeysay ee ay ka qayb-galayaan xisbiyada Mucaaradka ah oo hore u qaadici jiray isla-markaana aan ka ayb-gali jirin, ayaa waxa si rasmi ah loogu dareerayaa guud ahaan dalka Jabuuti Jimcaha bari. Doorashadan ayaa waxa ka qayb-galaya xisbiyada kala ah, Isbahaysiga aqlabiyada Madaxtooyada Jabuuti (UNP) oo uu hogaamiyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, Isbahaysiga midowga Mucaaradka (USN) oo hogaamiyo siyaasiga mucaaridka ah ee dhowaan dibedda ka soo laabtay Daahir Axmed Faarax (Daaf) iyo xisbiga CDU oo uu dhawaan la aasaasay isla-markaana uu hogaamiye ka yahay siyaasiga mucaaridka ah ee Cumar Cilmi kheyrre. Kuraasta baarlamaanka dalka jabuuti ee loo tartamayaa oo dhan 65 kursi, ayaa 35 ka mid ah laga soo dooranayaa Caasimada Jabuuti, halka 30ka kalena gobollada kale ee Cali Sabiix, Carta, Dikhil iyo Obokh laga soo dooran doono. Doorashadan, ayaa waxa ka qayb-galaya oo dusha kala soconaya goob-joogayaal ka kala socda IGAD, ururka dalalka Islaamka, midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo goob-joogayaal maxali ah, kuwaasi oo la socon doona sida doorashadu u dhacdo. Jimcaha bari ayaa si toos ah shacabka reer Jabuuti ugu dareeri doonaan doorashadan, oo sanadkan Mucaaradku ololeheedii uu ku soo bandhigay cudud iyo taageero badan.

by xuseen xarbi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com