Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyihii Qurbajooga Yurub ee Is-Casilay Abdiraxman Ubaxle oo Markii ugu Horaysay jawaab ka bixiyey Codsiyada Jaaliyaduhu ku dalbanayaan inuu ka noqdo Iscasilaadiisa

Salaanta islaamka ee xushmada iyo ixtiraamka xambaarsan ayaan ku salamayaa dhamaan umada Muslimiinta gaar ahaan Muwaadiniinta reer Somaliland meel ay joogaanba, salaantaas xushmada xambaarsan ka bacdi waxaan halkan jawaab kooban ugu soo gudbinyaa Jaaliyadaha Somaliland ee reer Yurub, Saxaafada Somaliland Iyo Madaxda Xisbiyada Qaranka Somaliland oo dhamaantood siyabo kala duwan iila soo xidhiidhay ka dib intii aan ka fadhiistay xilkii Hogaanka Jaaliyadaha Yurub.

Ku:Jaaliyadaha iyo Shakhsiyaadka muhiimka ah eer Reer Somaliland.

Ugu horayn waxaan aad ugu mahadnaqayaa Jaaliyadaha reer Somaliland ee degan wadamada Yurub oo aanu si wanaagsan oo isku duubnaan ah uga wada shaqaynay horumarka dalka Somaliland iyo sare u qaadida qadiyada gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland iyadoo masuul kastaa uu halkiisa xil isku saaray kaalinta uu wax ka qaban karona aan hagraneyn, waxaan kaloo aad ugu mahadnaqayaa aqoonyahankii iyo wax garadkii aan waxba iga hagran inay ila dhisaan wada jirka jaaliyadaha Somaliland mahadnaqaas ka bacdi waxaan ka raali gelinayaa inaan xilkii ka fadhiistay anigoo aan wada tashi badan la samayn balse aan xal u arkay sida aan yeelay ka dib markaan u baqay in wax badani dhexdeena ku lumaan maadaama oo ay shakhsiyaad caadaystay inay lugooyo kula dhex jiraan shacabka Somaliland ay ka waantoobi waayeen ilaalinta hanaanka dawladnimo iyo nidaamka wada shaqayneed ee u dhexeeya Jaaliyadaha iyo Xukuumada iyagoo had iyo jeer si nidaam daro ah u barbar yaaca Xukuumada iskuna gudba oo kala fogeeya Xukuumada iyo jaaliyadaha.

Ku: Madaxda Xisbiyada qaranka Mucaaradka ee ila soo xidhiidhay.

Aniga oo og in mucaaradnimada iyo muxaafdnimaduba tahay dimoqraadiyada aynu qaadanay isla markaana aynu ka midaysanahay horusocodka iyo horumarinta dalkeena si anynu caalamka ula jaanqaadno wax kasta oo wax duminayaana ay ka reebantahay muwaadinka dhabta ah ee u tudhaya dalkiisa iyo dadkiisa qadiyada horumarka dalkiisana ka daacada ahi, aniga oo aqoonsan jiritaanak Xisbiyada Mucaaridka ah ee Wadani & Ucidba inay wixii ay qalooc u arkaan toosiyaana ku garab taagan balse aan marna ku raacsanayn inay dhaliil aan jirin mala awaalaan shacabkana marin habaabiyaan si khalkhal u abuurmo wax qabadkii xukuumaduna uu ku mashquulo dejinta shacab, waxaan u cadaynayaa madaxda labada xisbi mucaarad ee qaarkood ila soo xidhiidheen in aan ka tirsanahay Xisbiga Kulmiye oo aan si cad ugu shaqeeyo mabaadiida iyo siyaasada xisbiga Kulmiye.

Walaalyaal waxaan idiinka mahadnaqayaa xidhiidhka ay saxaafada qaarkood ila soo samaysay intii aan xilka ka fadhiistay ka bacdi iyagoo iga dalbaday waraysiyo aan ka siiyo sababta aan xilka uga fadhiistay iyo waxa ka khaldan xukuumada,, aniga oo u aqoonsan saxaafadu inay tahay kaalin muhiima shacabkana u baahisa wixii ka qarsoon ee lagu dulmayo anigoo u arka in la,aantood shacabku noqon lahaa kuwo la adeegsado balse aan waxba la socon, anigoo si cad uga soo horjeeda saxaafada buunbuunisa waxaan jirin marar badana sababta khasaaro dhimasho leh, anigoo ka soo horjeeda saxaafada aan ixtiraamin jirtaanka qaranka Somaliland ee wararka u baahiya sida cadowga ku mashquulsan duminteena, waxan maanta halkan idiinku cadaynayaa inaan xilkaas uga fadhiistay nidaam daro ay sababeen shakhsiyaad aan xukuumada ka tirsanayni balse aan si weyn u taageersanahay xukuumada Somaliland horumarka ay gaadhsiisay Jamhuuriyada Somaliland mudadii labada sano ahayd sidaa darteed waxaan diyaar u ahay waraysi kasta oo wax u taray horumarka dalkayga balse aan mooral jebinayn shacabka Somaliland sida ay caadaysteen masuuliyiinta xilka ka degaa.

Somaliland Guul iyo Horumar
Dr. Abdirahman Ali Ubaxle

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com