Musharax Xariir Xirsi Adar OO u sharaxan golaha baarlamanka jamhuuryda somaliland ayaa Caawa kulan la yeeshay Dhalinyarada Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May ee Magaalada Hargeysa
Musharax Xariir Xirsi Adar OO u sharaxan golaha baarlamanka jamhuuryda somaliland ayaa Caawa kulan la yeeshay Dhalinyarada Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May ee Magaalada Hargeysa.Kulankan uu la yeeshay Musharax Xariir Xirsi Adar Dhalinyarada Degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May oo ka qabsoomay Huteelka Nomad Cafe ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagaga wadahadlay Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Musharax nimada Xariir Xirsi Adar ee Golaha Wakiilada Somaliland.
dhalinyaradaasi ayaa u muujiyay mushatraxa taageero ah in ay muruq iyo malba la garab taaganyihiin una diyaar garoobayaan maalinta codka hadii ilaahay inagu simo oo haatan fooda inagu soo haysa
Sidoo kale Musharax Xariir Xirsi Adar ayaa waxa uu uga mahadnaqay Dhalinyaradan kulan kan uu la qaatay,waxaana uu kula dardaarmay in ay ka faa,iidaystaan Mustaqbalkooda una shaqeeyaan dalkooda