Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta guddi u magacaabay xal u helida shaqaaqooyinka iyo colaada ka aloosan deegaanka Ceel Bardaalle

January 4th, 2011

Hargeysa (maantasomaliland)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta guddi u magacaabay xal u helida shaqaaqooyinka iyo colaada ka aloosan deegaanka Ceel Bardaalle ee u dhaxaysa Gabilay iyo Boorame.
Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu maanta uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), hase yeeshee war-saxaafadeedkaasi laguma sheegin magacyada iyo xubnaha guddidani.
Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)
Ayaa Maanta Magacaabay Guddi uu u xilsaaray Arrinta Ceel-bardaale, Guddidaas oo ka Kooban Shan Wasiir iyo Odayadda Labada Dhinac ee Ceel-bardaale Isku Haya Ka Soo kala Jeeda.
Madaxweynuhu Waxa uu faray Gudida in ay sida ugu dhakhsaha badan u guddo galaan hawsha uu u xilsaray oo ah inay xaqiiqo rasmiya ka keenaan sida ugu haboon ee Lagu soo Af-jari lahaa Arrinta Halkaa ka Jirta, si dhakhso ahna Xal looga Gaadho.
Guddiguna waxay Balan qaadeen inay Sida ugu Haboon ee ay Xal u arkaan ee ay Arrintaa loo Xilsaaray uga soo tallo bixin lahaayeen ay ku dadaali doonan.”
Dhinaca kale, warar xog ogaal ah oo aanu ka helay ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in shanta Wasiir ay kala yihiin Arrimaha Gudaha, Dibadda, Gaashaandhiga, Duulista Hawada, Cadaaladda, labada badhasaab ee gobolada Awdal iyo Gabilay, laba xildhibaan oo ka soo kala jeeda labadaas ardaa.
Waxa kale oo warku intaasi ku darayaa in Guddidan ay ku jiraan 14 xubnood oo ka kooban labada beelood.
cabdilaahi maxamed ducaale (cukuse)
afhayeenka madaxtooyada somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com