Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay ka baxday dhammaan goobohii ay hore uga haysteen degaanka Canfarta

Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay ka baxday dhammaan goobohii ay hore uga haysteen degaanka Canfarta, goobahan ay baneeyeen TPLF ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku dagaallamayay TPLF iyo ciidanka gaarka ah ee degaanka Canfarta.

TPLF ayaa tallaabadan ay kaga baxeen dhulka Canfarta ku sheegtay mid loogu gogol xaadhayo, sidii gargaarka bani’aadanimo u gaadhi lahaa gobolka dagaalladu wiiqeen ee Tigray.

Geesta kale mas’uuliyiinta gobolka Canfarta ayaa soo bandhigay burbur badan oo gaadhay goobihii ay horey u haysteen TPLF, halkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ku hardamayeen TPLF iyo ciidamada Canfartu.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa maalinimadii shalay ahayd, waxay sheegtay in gawaadhi badan oo siday gargaar kala duwan ay gaareen gobolka Tigray, halkaas oo shacab badani ku haysato macaluul aad u daran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com