Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Abwaan Aadan Tarabi oo Tiriyey Maanso Cusub oo Jawaab u ah Heestii Hadraawi ee Hooyo

‘Wax islaani dihataba

Oday baa u dhibtoo

Waxa laga ummuliyaa

Waa ammaanadiisee

Dhuux oday ka gororaa

Ajal laga abuuraa’

abwaan-a-tarabi

Hargeysa (maantSomaliland.)- Abwaan Aadan Tarabi oo ka mid ah suuggaanyahannada waaweyn ee reer Somaliland, ayaa soo bandhigay maanso cusub uu ugu magac-daray Aabbo oo ka waramaysa qiimaha aabbuhu leeyahay, isla markaana jawaab u ah heesta Hooyo oo uu waqti hore tiriyey hal-abuurka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi).

Maansadan cusub oo abwaan Aadan Tarabi soo gaadhsiiyay warbaahinta xalay, soona baxday 15/03/2000, isla markaana abwaanku ka tiriyey arooskii Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), balse aan hore la faafin, waxa uu si farshaxanimo leh uga warramayaa qiimaha aabbuhu ku leeyahay qoska iyo horumarka bani’aadamka, isagoo sidoo kalena qiray in hooyadu saddex jeer ka fadli badan tahay aabbaha.

Weriye Xuseen Xarbi oo abwaanka weydiiyey sida maansadani maskaxdiisa ugu dhalatay, waxa uu ku jawaabay; “Abwaan Hadraawi ayaan ku idhi maxaad sida maansada Hooyada, aabbahana ugu samayn wayday. Waxa uu Hadraawi iigu jawaabay, Aadanow adaa ku habboon, sidaas ayaanan maansadan aabbo ku soo baxday.

Maansadan waxay soo shaac-baxday 15/03/2000, taasoo aan markii ugu horraysay ka tiriyey arooskii Hadraawi.”

Maansada Aabbo ee abwaan Aadan Tarabi soo saaray waxay tidhi:

Aabbow la’aantaa

Ma dhismeen adduunkani

Ilme kuma dhasheenoo

Ubad laguma koriyeen

Iskumana filladeen

Laguma ilbaxeenoo

Orad laguma gaadheen

Oogada daxayoo

Aalad looma fuuleen

Xidigaha kan ololoo

Cirku aqal ma yeesheen

Baddu edeg ma noqoteen

Dhulka lama oggaadeen

Sina lama dhudhumiyeen

Aabbow la’aantaa

Amba qaadka geediga

Sidan uguma guurteen

Qaaradaha adduunyada

Layskuma arkeenoo

Ilays aan bakhitiin iyo

Nuur lama adeegteen

Iibkiyo ismaqalkuna

Uma hawl yaraadeen

Afartan bixiisuu

Ilmuhu kugu gartaayoo

Aduu kugu hadaaqaa

Wuxuu kuu intifaacaa

Waa ababintaadoo

Ruuxanad aabbow

Magac ugu wan-qalinoo

Ku ulayn waxbarashada

Inta uu aflaxo qallin

Cilmi kuma ugaadhsado

Wax islaani dihataba

Oday baa u dhibtoo

Waxa laga ummuliyaa

Waa ammaanadiisee

Dhuux oday ka gororaa

Ajal laga abuuraa

Mana aha isaga qudha

Isla kaashigooday

Ku dhan tahay amuurtuna

Illintaanad ka hadhayn

Waa aqal madowoo

Ayaantaad ka maqan tahay

Reerka waaw indha la’aan

Aabbe dhimashadaadiina

Ubadkaad dhashaybaay

Agoomaynaysaayoo

Ooridaad ka hoyataa

Asaydaada qaadoo

Ka dul ooyda axankoo

Inta aad u nooshahay

Amma aad agjoogtana

Ma abaarsadaanoo

Asaagood ma dhaafoo

Mana arag xumadaan

Inkastooy udgooneey

Dawo tahay urteeduna

Inay aabbe hooyadii

Saddex jeer inaan hubo

Ay igaga xaq leedahay

Asaraari maayee

Aadmigu ma gudi karo

Inta ay ku leedahay

Iyadana ilaah baa

Abaalkeeda maxiyee

Adna aabbe waligay

Ku illaawi maayee

Marka aad dhashaa wiil

Aabbihii u eeka ah

Aan laydin kala garan

Isaga iyo adigoo

Inta aad astaamaha ragnimo u leedahay

Kaa raacay adigoo

Isku mida dhashaa baa

Aabbe lagu xasuustaa

Markaad aftahan nina

Aararta golihiyo

Intuu hadalka leeyahay

Xarago u yidhaahdoo

Ay dhabana haysuun

Ashqaraar raggii kale!

Daawadaan afkiisuun

Dadku ina ayadiisay

Iswaydiinayaanoo

Amakaag dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa!

Markaad ubaxle deeqsiya

Asal iyo hidaba u leh

Ergo sooryadeedoo

Socotada u roonoo

Baahnaha u dhaga nugul

Martidana abeerkiyo

Awrka raraygaa

Igadh kaw bireeyoo

Inta uu dab uga shido

U dugsiya ardaagoo

Ku afuriya sheekoo

Markaad nin gobahiyo

Astur aad dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad iidle samiliyo

U asgogola nabadoo

Eelkyo balaayada

Aafada dagaalkiyo

Neceb uus-dhabaaqoo

Oggol nolosha ruuxoo

Aayaha ka taliyoo

Ammaan aad dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad indheer-garad

Xaajadii adkaatiyo

Garta loo igmadoo

Alla kuma cadaabaan

Ka fog eexashada

Oday biri-ma-gaydo ah

Aqoonyahan dhashaaba

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad Aabi maansada

Ilaahay u sakhiro

Suugaantu uurkyo

Ooftiisu jiifto

Eray bixin yaqaanoo

Afti laga dhaxlaayoo

Markaad nin ood sare

Ka aleen tumaayoo

Sida Abu Hadroo kale!

Abwaan aad dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad abaabule

Aloosaa far-shaxanoo

Ololleeya sacabkoo

Iba saara jiibkoor

Aad u cod macaanoo

Asalu ah dhaqaha culay

Abated dhashabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Marka aad nin eebeda

Halka ay u eeg tahay

Ku abbaara warrankoo

Ehelkiyo xididkiyo

Oosha iyo dariskana

Iyagana u samir dhaw

Ay shareeraan libintiyo

Agablada ka qaatoo

Marka aad nin ficilada

Adin iyo af iyo gacan

Adna kuugu hiishoo

Aarsada dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad uruurshe diimeed

Aaminay Quraankoo

Ku afdheer kitaabkoo

Dadka ku abhinaayoo

Ifka ka hindisoodoo

Xaqa ku adimaayoo

Markaad udub dhexaad culus

Imam la jecel yahay

Aw hebel dhashaabaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Markaad Weli iftiinsho ah

Ishaaro iyo karaamo leh

Amma afartii khulafada

Asaxaabihii hore

Amma Nebi Ilaahay

Ummad uu u soo diray

Ambiyo dhashaabaamarka aad nin aashii

Isu soo diyaarshoo

Xilku waa amaanee

Oogadiisa saaroo

Oofiya walaha iyo

Axdigu ku dhaartoo

Aan u kala abtirinoo

Dadku u siman yahay

Markaad isaga tudhe

Uskag inuu xanbaartiyo

Hogaan laguma iisha ah

Aayatiin dhashaabaa

Aabbe agu xasuutaa.

Markaad guur awoodaa

Ugub loo hanweyn yahay

Inan uu gayaankeed

Aqoonsaday inay tahay

Isir iyo ab-loo-raac

Inan uu Ilaahay

Asluub iyo dheg iyo sharaf

U dhameeyey quruxoo

Ku manaystay edeboo

Idman labada beelood

Hadduu eel dhex yiil hore

Isu soo dhawaysoo

Aramida bogsiisoo

Utun lagu ilaaboo

Markaad indho u roon

Marwo laga aroostaa

Aabbe lagu xasuustaa.

Noloshaada aabbow

Waa udubsigaygoo

Aabbe geeridaaduna

Way uubataysoo

Halka lagugu aasaa

Kolba eegayaayoo

Iilkyo xabaashaan

Ka ag meerayaayoo

Aayadaha Quraankiyo

Waxaan kuu akhriyayaa

Aaminta ducadiyo

Faataxada Abboow.

Dambigaaga aabbow

Iaahay ha dhaafee

Inta Nebiga aakhiro

U shafeeco qaadana

Ilaahay ha kaa dhigo

Aamiin…Aamiin….
xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com