Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Oo Si Adag Uga Hadlay Eeddo Ku Xidhiidhiyey Muqdisho, Hawl Galada Ciidamada Ammaanka, Hadalka Ka Soo Yeedhay Maxamed Xaashi Iyo Xaalada Dalku Marayo

Hargeysa (msl) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag uga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalku wakhtigan marayo iyo eedaymo uu dhawaan Xisbigaasi u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey shalay Wargeyska Saxansaxo, ayaa sidoo kale si weyn u dhaliilay Siyaasadda Arrimaha dibeda ee Xukuumadda Somaliland oo uu tilmaamay in ay ka muuqato mad madow badan.

f9683adb1948bc7d04d330f3edeb46a7_M

Wareysigana waxa uu u dhacay sidan:

S: Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba Bal Waxa Aad Faahfaahin Naga Siisaa Xaaladda Guud Ee Dalka Ta Siyaasadeed Iyo Ta Amnigaba Ee Wakhtigan?

J: Horta waynu la wada socona sida ay tahay Xaaladda guud ee dalka iyo Siyaasadiisuba oo waxba inaguma seegana, laakiin haddii aan ka waramo sida aan anigu u arko waxa uu dalku ku jira Meeqaamkii ugu aadka ama ugu Qalafsana ee Mudooyinkii danbe ee Xukuumaddihii tan ka horeysay ee UDUB,   runtii waa mid ka hooseysay intii aynu soo aragnay, markaa dhankasta  laga eego,ma fiicna mana qurux badna Xaaladda dalku marayo, marka aynu dhinacyo badan ka eegno,haddii aynu tusaale  u soo qaadano markii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Taladda dalka ku wareejinayay Madaxweynaha hada taladda dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa uu Madaxweyne Rayaale ku tiraabay inu ku wareejinayo dad iyo dal midaysan oo isku duuban oo dhamaystiran Xuduudahiisa iyo Taladiisa,maantase waxa muuqata in labadiiba meesha ka baxeen oo dalkii furfurmay, waxa aynu markhaati ka nahay in Xuduudahii hareeraha deb looga soo gurtay oo xatta meelaha qaar sida barigo oo kale dagaalo sokeeye ka jiraan,waxa aynu arkayna in Putland Badhan iyo Dhahar iyo dhul la mid ah ay Xisbiyadoodii  iyo ururadoodii ka Ololeynayaan ka furteen oo ka wada shaqaynayaan, arrimahaasi oo dhan marka aad eegto waxa aad mooda inay Somaliland dib u soo guranayso,waxaanad mooda inay intii Xukuumaddii hore dhamaysay tani qabyeynayso.”

S: Xildhibaan sideed u  aragta Ciidamadda Bileyska  ee Bulshadda Xabsiyadda iyo Saldhigyada u taxaabayay aragtidaada?

J: Haa, Waa runta waxaanay arkayna in dhawaanahan Magaalooyinka gaar ahaan Caasimadda Hargeysa si xun Ciidamadda amnigu meel kasta  gacmaha galiyeen iyagoo aan u aabo yeelayn una dhaqmaya si aynu odhan karno Waa hab Argagixiso leh oo aan loo baahnayn in lagula dhaqmo Maatida, dumarka iyo Caruurta Guryahooda iyo Meheradahooda jooga, waana in Xukuumaddu joojiso wixii Argagax iyo Khalkhal umadda ku dhex abuuraya, haa wax hala qabto oo amniga hala sugo laakiin waa inuu noqda mid Nidaamka la socda oo aan waxyeelo cidna u keenaynin,waxa aynu la socona in Dad 100-qof ku dhaw Saldhigyada la dhigay, waxa ay Wasiirka arrimaha Guddaha iyo Jananka Ciidamadu ku faanayeen waxa aanu xididada u saarnay Argagaxisadii Waddanka joogtay waa laydiinka fadhiyaa ayaanu leenahay Masuuliyiinta sidaasi leh ee hadalka noocaasi ah ku dhawaaqay,dadka Rayidka ah ee ay Qabqabteena waxa loo baahan yahay inay Sharciga ku horkeenaan Mudada uu Distoorku dhigo oo aan ka qadnayn 24-Saacadood gudahood, waa in lagu soo cadeeyo waxa lagu haysto, waana in aanay noqon dad inta la qabto la yidhaahdo waanu haynaa oo waana in aan lays odhan arinta imika taagan uun ku dabaqa laakiin waa in dadka Muwaadiniinta ah wax lagu soo Cadaysto ama sida ugu deg dega badan Xoriyadoodi loo soo cileyo, Annagu ka Xisbi Wadani ahaan waanu soo dhawaynaynaa in Amniga Waddanka la suga laakiin waa in Sharciga dalka iyo Anshaxa dalka u yaala aan la dhinac marin.”

S: Siyaasadda arrimaha Dibedda waxa ay ka mid tahay arrimaha dadku ugu hadal haynta badan yihiin muddooyinkan danbe Xisbi ahaan sideed u aragtaan qaabka ay u socoto?

J:Kolay way jirta oo Siyaasadda arimaha Dibedda waxa ka jira Mugdi badan Umadda reer Somaliland-na waxa ka soo food leh Walaac fara badan oo isa soo taraya oo ay ka Muujinayaan Siyaasadda arrimaha Dibedda, tusaale ahaan hada ka hor Safarkii u danbeeyey ee  Madaxweynuhu Neyroobi ku tegay, waxa waxa loo inoo sheegay inuu la kulmay Safiirka Maraykanka Nayrobi u fadhiya, laakiin Nasiib daro waxa ay la kulmeen Uqaybsamaha arrimaha Somalia ee Mareykanka Kenya u jooga, kaas ayey la kulmeen halka ay Warbaahinteenana u sheegeen oo lagu qoray inay la Kulmeen Safiirkii Maraykanka ee Safaaradda  Kenya u fadhiyey, taas waxa ka daran markii ay London tegeen Waftigeena waxay shir wada yeesheen Safiirka Arimaha Dibedda oo Warbaxintii kulankaasi ka dib uu Wasiirka Ingiriisku Internet-ka sidii ku baahiyay iyo Warbaahintaba waxa uu sheegay inay Waftiga Somaliland ka wada hadleen Shirka arimaha Somalia lagaga hadlayo ee dhicidoona Bisha May ee Sanadkan iyo sidii ay Somaliland uga soo qaybgeli lahayd halka Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland uu ka sheegay inay Waftiga Somaliland iyo Dawladda Ingiriisku ka wada Hadleen Arimihii Amniga iyo Mad madawgii soo kala dhex galay Somaliland iyo Dalalkaasi kale u fiirso waa laba shay oo aad u kala fog marka waxay ila tahay inay Dadwaynaha reer Somaliland ka hadlaan arimaha Siyaasadda Debedda oo Madaw badani ka muuqdo una baahan in wax laga bedelo waayo xata Safaaradahii Wadamada Jaarka ee Xukuumaddani dhaxashay badankoodu waxay u dhaw yahiin inay xidhmaan taasina maaha wax la aqbali karo.”

S: Siddeed u aragta arimaha Tahriibka iyo Shaqo la’aanta dalka ku soo badanaya Muddooyinka danbe?

J:Waa run oo Mudooyinkii u danbeeyay waxa badna dhalinyaradda iyo Tahriibta waxanay arintani faraha ka baxday intii Xukuumaddan taladdahaysa dalka qabsatay oo markii hore waxa la odhan jiray markii hore Dhalinyaradda ayaa Tahriibaysa laakiin maanta waxa lagu tiraabay oo la arkay Dadwaawayn oo Cira leh oo tahriibaya waxa arimahaasi oo dhankeenay waxa weeyaan Qorsha la,aanta Dhalinyaradda ee  Xukuumadda talada dalka haysa weeyaan,horena waan u sheegay oo Dawladan lagama hayo wax aliyaala wax Dhalinyarta u dan ah hadii ay tahay Sportis iyo hadii ay tahay Shaqo abuur midna lagamahayo Xukuumadda hada jirta”

S: Dhawaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Masuuliyiintiina Sare ee Xisbiga Mucaaridka ee Wadani  aad Xidhiidh la sameysaan Masuuliyiin Maamulka Muqdisho ee Somalia arrintaasi maxa ka jira ?

J: Nin wayn haddii ay Maradu ka dhacdo lama eego ee Marada loo qabtaa, marka Arrintaasi Muuse Biixi Cabdi, waxanu arkayey mid galgalasho ahayd aanu garan waayey wax uu nagu dhaliilo haddii aanu nahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo waxa uu Muuse Biixi ku tiraabayna waxa aanu u arkaynay  Catow iyo Cabasho,waxa uu ka dhawaajiyey Muuse in aanu Madaxda Somalia labadaasi oday ee Buuba iyo Ilka Xanaf aanu haynin Tilifoonadooda  waxaanay ka dhigan tahay hadalkani intii kale oo dhan, waan Hayaa ee Labadan Masuul uunba iga dhiman, marka waxa aan leeyahay Muuse Biixi Cabdi Abti, waxay ahayd haddii labadaasi uun kaa maqan yihiin in aad y weydiisato ee may ahayd in aad Warbaahinta noo soo mariso haddii aad tarbtay taasi may ahayn mid lagaaga fadhiyey marnaba,mida kale waxa aan ku leeyahay Muusoow hadii  aad u haysatay in aanu Habeenkii  uun wada Xidhiidhno Hadhka Cad ayaanu wada hadala qarsoodina maaha anaga waxa yagu,marka waynu iska warhayna Xaalka aad ku jirto iyo Nidaamkaaga ee waxa aan ku leeyahay Nink quraarad ku jiroow guri kale ha tuurtuurin,waxanan Cadaynaya Mabda uu haysto Buuba ee Somali wayn waa mid u gaar ah aniguna ka aan ahaysto ee Somaliland waa mid ii gaar ah waxa aanu ka wada Xidhiidhnaana maaha mid ku seeya labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland laakiin waa mid gaar ah oon sinaba ku go,I Karin waa mid qoys ayaa naga dhaxaysa meel kasta hadii uu aduunka ka joogana Xaq ayaan u leeyahay in aan la Xidhiidho iyo in uu ila soo Xidhiidhaba marka yaanay labadaasi iskaga kaa qaldamin ayaan leeyahay Muuse Biixi ee  kala saar”

S: Sidee ayaad u aragta Afhayeen in Khilaafka Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisu soo noqnoqdo Maxase Sababaya arintaasi ayaad filaysa ?

J: Horta hore waanu uga hadlay Khilaafka Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa Xisbiga Wadani ahaan runtiina arintaas waa arin aanu aad iyo aad  uga Xunahay mana jeclelin inay dhacdo Nasiib wanaag Guddigii ku dhex jirtay arintaasi Xalkeeda oo ka Kooban Golayaasha Guurtidda iyo Wakiiladdu waxay qabteen Shir Jaraa,id waxanay ku faahfaahiyeen inay arintaasi soo afmeereen,waxayse arinta iswaydiinta mudani tahay maaha Khilaafkan ka dhexeeya labada Masuul ee dalka ugu sareeya markoodii Kowaad Labaad iyo Saddexaadtoona  waa markii shanaad intii Xukuumaddani taladda haysay ee Khilaafkoodu debadda u soo baxo intabana waa la dhex galayay oo la dhamaynayay uun marka Su,aashu waxay tahay intaas imikana ma ku dhamaandoona Khilaafkan Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) iyo ku Xigeenkiisa C/raxmaan (Saylici)ka dhexeeyaa,aniga aragtidayda waxay ila tahay in aan wali Khilaafka dabadiisii la gaadhin taasi waa aragtidayda gaarka ah,hadaba mid ayaan Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) kula talinlaha waxanan leeyahay Madaxweyne kolba Cid idin dhexdhexaadisa oo isku kiin keenta adiga iyo ku Xigeenkaaga Xalka Wada shaqayntiinu kuma jirto ee Xalka adiga ayaa Gacantaada ku haya Madaxweyne waxa aanu kugu garabtaaganahay in aad adigu arintaasi Xalkeeda keento oo xalisa si aanay dib ugu soo noqon waayo waa Ceeb qaranka ku taala haday mar kale soo noqoto ayaan ku soo jeedin laha Madaxweyne”

 

S: Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in Mucaaridnimada Xisbiga Wadani aanay ahayn mid cad halka Xisbiga dhigiina ah ee Ucidna uu ku sifeeyey mid Mucaarid ah maxaad kaga jawaabaysa arintaasi ?

J: Arrintaasi waxa aan u arka mid meelka dhac ku ah Xisba Wadani inu sidaasi yidhaahdo Md Maxamuud Xaashi oonu waliba qadarin wayn u ahayno aniga dhankayga iyo ka Wadani ahaanbawaayo malaha waxa la doonaya Buuq iyo Aflagaado joogta ah sida Xisbiyadda qaarkood looga bartay balse anagu waanu ka duwanahay Siyaasad ahaan in aanu noocaasi u dhaqano waana mida aanu ku dhaqano anagu in aan Cidna la Aflagaadaynin cidna la xag xaganin waana Astaanta aanu Cid kasta kaga duwanahay hadii aanu nahay Xisbiga Wadani waata aanu ku shaqayno hadh iyo habeenba anagoon hadana ka seexanaynin Xaaladda dalka taalo iyo wixii toosin iyo Sixid u baahanba waanu qabanayna sida ugu haboon,Maxamuud Xaashi-na waxa aan leeyahay wax macno ah ma samaynayso hadii aad meel istaagto ood tidhaahdo Mucaarid iyo Muxaafid cid kasta wax ayaan ka sheegaya balse waxa aanu anagu ka  Xisbi Mucaarid Wadani ahaan ku leenahay Maxamuud Xaashiyo hadii  Xilkii Wasiirnimo lagaa qaaday oo Xukuumaddii aad ka tirsanayd aad is afgaran waydeen way kuu furantahay Xisbiga Mucaaridka ah ee aad ku biirayso anaguna Xisbiga Wadani hadii aanu nahay Gacmo furan ayaanu kugu soo dhawaynayna Xisbiguna Xisbi Mucaarid ah weeye waana Xisbi ay Umadda reer Somaliland oo dhami wada leedahay.

xuseen xarbi.

maantasomaliland.com/Hargeysa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com