Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xaqiiqda BLOCK 6 – Shidaalka laga helay Baha-Dhamal, Salaxley.

xaqiiqda BLOCK 6 – Shidaalka laga helay Baha-Dhamal, Salaxley.Halka shidaalka laga helay ee Degmada Salaxley gaar ahaan Tuulada Baha-Dhamal waa BLOCK 6 sida ka muuqata shaxda shidaalka Somaliland. Waxaa xusid mudan in Block 6 (iyo qaybo block 7 iyo 10 ah) ay shirkada GENEL ENERGY u haysato liisan isla markaana ay leedahay saami dhan 50%. Waxaa kale oo saami ku leh STERLING ENERGY(25%), JACK RESOURCES (15%) iyo PETROSOMA(10%). Hawl sahamin ahayd oo halkaa laga waday ayaa istaagtay 2016-kii taas oo mar dambe dib loo bilaabay lana dhamaystiray. Hadda waxaa taagan qodistii. Waxaa xusid mudan in shirkad la yidhaahdo CONNOCO-PHILIPS ay iyaduna dhankeeda sheegaynayso iney haysato liisan isla aagaas block 6 ah kaas oo ay siisay dawlada Soomaaliya.Heshiisyada noocan ah ayaan ilaa hadda Somaliland Golaheeda Wakiilada la hor keenin. Ayaan-darrada kale ee jirta ayaa ah in Somaliland Muddo dheer ay ilaa hadda aanay dhamaystirin Xeerkii Dakhliga shidaalka.Wasiirka tamarta oo saaka la hadlay warbaahinta ayaan dadka reer Somaliland u sheegin xaqiiqda Block 6 oo tifaftiran isaga oo aan sheegin goorta la bilaabayo qodista (drill) aagaas, iyo halka uu marayo Xeerkii Dakhliga Shidaalka lagu maamuli lahaa iyo inuu heshiisyadan hor keenayo Golayaasha xaqa u leh iney ansixiyaan? \

Allaa Mahad leh,

Xamse C. KhayreXog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & DalxiiskaXisbiga Waddani

FG: Saamiga Sterling Energy iyo Jack Resources waxaa ka iibsaday ASANTE OIL. Markaa waxaa hada wada leh GENEL ENERGY, PETROSOMA, & ASANTE OIL.#Hayaannews

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com