Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Boqorada Holland Oo Baahisay In Hadraawi Lagu Maamuusi Doono Bilad-Sharaf.

 

 

 

 

Hargaysa(msl)-Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi ayaa ku guulaystay abaalmarinta Prince Claus Awards, oo sannad walba lagu bixiyo dalka Netherland, sida guddida qabanqaabadu sheegtay.

Warkan oo lagu baahiyey mareegta wasaarada Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in 11 abaalmarinood sannad walba la siiyo shaqsiyaadka, ururada, khubarada loo aqoonsado in shaqadoodu saamayn balaadhan ku yeelato horumarka bulshadooda.

hadrawi

Warkaa ayaa lagu sheegay in Maxamed Ibraahim Hadraaw oo sannadkan lagu daray shaqsiyaadka la gudoonsiinayo abaalmarintan ku mutaystay hal-abuurkiisa maansooyin iyo gabayo saamayn Baban ku yeeshay taariikhda Soomaalida, iyo ku suntanaanta noloshiisa waxtarka bulshada.

Hadaba Hadraawi, oo 1943 ku dhashay Burco, ayaa xabsi shan sannadood ka dib sannadkii 1970 bilaabay maansadii Deelley, oo gabyaa badan oo Soomaali ahi qeyb ka qaateen.

by xuseen xarbi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com