Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shacabka Somaliland Oo U Dhegtaagaya Isku Shaandhaynta Madaxwayne Muuse

Inkastoo hadlahaynta isku shaandhayn, Golaha Wasiirada iyo Hay,adaha Dawladda ah oo laga Filayo Dhinaca Xukuumaddu uu Ku Kooban yahey Shacabka Somaliland, haddana Waxa laga Dareemay dhaqdhaqaaqyada Wasiirada, iyo Masuuliyiinta Xukuumadda, oo Toddobaadkii u Dambeeyay Wadnaha Farta Ku haya inney Galaafan Doonto iyo inney ka badbaadi doonaan Taas, oo ay Su,aalaha Shacabku Wasiirada ku Weydiinayaan khadka isgaadhsiinta, sida Xaalku Noqon doono Waxa soo baxaya in Wasiiro badani Ku celinayaan jawaabta ah “kheyrbaynu Rajaynaynaa”.

Taas oo macnaheedu tahey, in aanney Jirin indhawaale Kulano, gaar ah oo Xafiiska Madaxweynaha ay Kula yeeshaan Qaar badan oo Kamid ah Golaha Wasiiradu Kadib Markii Madaxweyne Muuse Biixi xadidey Kulanka Wasiirada iyo Xubnaha Kale ee Hay,adaha Dawliga ah.

Dhinaca Kale hadalhaynta loo Dhegtaagayo ee ah in dhawaan La Filayo in Madaxweyne Muuse Biixi Wax ka badel Ku Samaynayo Golaha Xukuumadiisa, ayaa loo Sibirsaarayaa Mudo Kordhintii labada Sanadood aheyd, ee ay Golaha Guurtidu ugu Kordhisay Xilka Xukuumadda taas, oo ay Rajo badan ka qabaan Siyaasiyiin door ah oo ilaa Bilawgii Xukuumadiisa, ka dhursugayey inney Kamid Noqdaan Ragga Xilalka Loo Magacaabayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com