Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

jamhuuriyada Somaliland Oo shaaca ka qaaday in qaramada midoobay U Gudbinayso Agabkii Ay Siday Diyaaradii puntland

jamhuuriyada Somaliland Oo shaaca ka qaaday in qaramada midoobay U Gudbinayso Agabkii Ay Siday Diyaaradii puntland
1/1/2011
Lixdii Duuliye Oo Maanta Ka Dhoofay MadaarkaHargeysa
Hargeysa Hargeysa( maantaSomaliland)- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in agabkii iyo saanadii Milatari ee ay siday diyaaraddii ay wateen Duuliyeyaashii Ruushka ahaa ee ay u gudbin doonto golaha ammaanka ee qaramada midoobay. Waxa kale oo ay xukuumaddu sheegtay inay maanta sii daysay lixdii duuliye ee watay diyaaradaasi oo siday sheegeen iibsaday xukunkii Maxkamaddu khamiistii ku riday ee ahaa min hal sano oo xadhig ah iyo min sadex malyan oo sh Sl ah. Sidaasi waxa maanta ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaarka Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu yidhi “Waxa madaarka Hargeysa dhawaan timid diyaarad saanad milatari u siday maamulka Punland, markii ay madaarka soo gaadhayna waxa hawl wadeenadda madaarku iyo ciidanka ammaanku ay ka guteen waajibaadkoodii qaran, markii ay arkeen dadkii iyo waxii saarnaana waxa ay ogaadeen in alaabta diyaarada saarani ay tahay alaab u baahan baadhitaan. sifaha ay dalka ku soo gashay, waxa ay sido iyo waxa qoraal ahaan ku qoran warqadaheeduna ay kala duwanaayeen. taaasi oo jabisay qawaaniintii hawada iyo kuwa Caalamiga ahba.” “Waxa ay xukuumada Somaliland go’aansatay in ay arrintaas la socod siiso Golaha ammaanka, waxay noo soo direen guddi xaqiiqo raadis ah, Gudidaasi waxa ay cadaysay in dayaaradani ay jabisay xeerkii tirsigiisu ahaa 733 ee ka soo baxay Golaha Amaanka, waxa kale oo cadaatay in ay jabyeen qawaaniinta Somaliland, intaasi ka dib waxa ciidanka ammaanku dacwad u gudbinay Maxkamada Gobolka, waxa ay si madax banaan u gudo gashay dhagaysiga dacwadaas,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu intaasi ku diaray “Waxay ka soo saartay go’aano isugu jira ganaax iyo xadhig oo lagu riday dadkii iyo dayaaradiiba, dadkaasi asalkoodu waxa ay u badnaayeen wadanka Ruushka. Waxa hore loo sii laba saxafi oo diyaarada rakaabka ka ahaa.” “Maxkamadu markay nimkaas xukumaysay waxa ay u jidaysay inay xadhigooda iibsan karaan. Xadhigoodii iyo ganaaxoodiiba way bixiyeen iyo kii dayaaradaba sidaasi darteed xukuumaddu way fulisay go’aanka maxkamadda waana ay sii daysay lixdii nine ruushka ahaa iyo diyaaradiiba waa ku waa imika tagay ee madaarkan ka duulay iyaga oo bad qaba laguna sii daayey go’aan Maxkamadeed, ” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu. Waxa kale oo uu Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ka hadalay Saanadii milatari ee ay Diyaaradu siday, oo uu sheegay inay ku wareejinayaan qaramada midoobay waxaanu yidhi “Saanaddii Diyaaradani siday oo aanu anagu dawlad ahaan u arkaynay in ay sharciga baal marsan tahay isla marnaana ay dunidiina nagu raacaday, isla markaana shacabka iyo xukuumada Somaliland ay ka mid yihiin Adduunka ayna ilaaliyanaa Qawaaniinta Caalimiga ah ee ay dunidu sida Guud u wada leedahay, qalabkaas oo ahaa mid mamnuuc ka ahaa Gobolka wareejinayaa qaramada midoobay Golaheedd nabadgeyada oo horena u hayay dacwadada arrintan.” aanu ku xukunayna ay ahaayeen kuwo ka soo baxay Golaha Amaanka, waxan aanu isda u dhakhsaha badan ku wareejinayaa qaramda midoobay Xafiisyadeeda u qaabilsan arrimhaas, marka ay suuro galnaqoto.” Waxa shirkaasi jaraa’id goob joog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada, Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka iyo taliyaha ciidanka Booliskajamhuuryada soomaali laand
xuseen xarbi
hargaysa
maantasmaliland.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com