Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Wax Badan Ayaa Garsoorkeena Khadlanaa” Wasiirka Cadaaladda Oo Warbxiin Siiyey Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (msl)Wasiirka Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa maanta hor tagay golaha guurtida, isla markaana warbxin ka siiyey hawl maalmeedkooda shaqo iyo halka ay u marayso. Taliyaha Ciidanka Asluubta oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay garsoorayaal ay qoreen ay dhamaantood yihiin kuwo aqoontooda lagu soo xushay.

ss “46 garsoore oo la qoray shaqadu waa kuwa reer Somaliland ka soo jeeda oo aqoontooda leh, laguna soo xulay aqoonta ay leeyihiin” ayuu yidhi taliyaha oo ka hadlayey garsoorayaal ay shaqada qoreen iyo waxa ay ku doorteen. Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay xeerarka maxkamadaha lagu dhaqo iyo kuwa baaliyoobay ee wax ka bedelka u baahan saamaynta ay ku yeesheen kiisaska maxkamadaha. Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in garsoorka dalka wax badan hore u khaldanaayeen oo la isku riixeyey lacago la bixiyo iyo masuuliyiin la adeegsado. “Wax badan ayaa garsoorkeena khaldanaa oo wax badan ayaa lacag la isku riixayey ama la isku riixayey masuuliyiin la isticmaalo, kiisas badan ayaa yaala oo la sugayo in la eego in ay cadaalad u dhaceen iyo inaanay u dhicin” ayuu yidhi wasiirka cadaalada oo golaha guurtida ka hor hadlayey.

by xuseen xarbi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com